Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Ururka Bariga Afrika oo gaarey Muqdisho

Image
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay xubnahan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan kula qaatay xafiiskiisa, Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo dalka soo gaaray maanta.

Xamse oo uga mahadceliyey dowladaha Bariga Afrika ee ku midaysan ururkan doorkii ay ka qaateen ansixinta xubinnimada Soomaaliya, ayaa soo bandhigay muhiimadda ay leedahay in degdeg loo dhammaystiro arrimaha farsamo ee xaqiijiniya la falgalka Soomaaliya ee Suuqa Bariga Afrika .

"Waxaan ku boorrinayaa xubnaha Urur Goboleedka EAC in ay sii wadaan taageerada dadaallada la isku waafajinayo siyaasadaha iyo xeerarka, si loo abuuro jawi ganacsi oo ku habboon maalgashadeyaasha iyo ganacsatada. Waa in ay sii wadaan xoojinta iskaashiga ku aaddan amniga gobolka iyo horumarinta nabadda iyo xasilloonida," ayuu yiri.

Ra'iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa soo bandhigay waxtarka Soomaaliya ay u leedahay ka mid noqoshada Urur Goboleedka Bariga Afrika iyo fursadaha dalalka ku mideysan suuqan ay ka dhaxlayaan xubinnimada Soomaaliya, maadaama aan nahay waddan hodon ah oo ay ceegaagaan khayraad dabiici ah, dadkiisuna ay ku tilmaaman yihiin firfircooni iyo hal-abuur.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM