Xildhibaano kala ajande ah oo ku qul-qulaya Gollaha Shacabka Soomaaliya [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xarunta Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa saaka la filayaa inuu ka dhaco Kulan cod loogu qaadayo Mooshinka kalsooni kala noqoshada ah ee laga keenay Gudoomiye Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Wariyaha Garowe Online ee magaalada Muqdisho ayaa kusoo waramaya in xarunta Gollaha Shacabka ay ku qul-qulayaan Xildhibaanada labada garab ee kala ah kuwa taageersan Jawaari iyo kuwa Mooshinka ka keenay.

Ciidamada dowladda iyo AMISOM ayaa si weyn u sugaya amaanka, iyadoo Xildhibaanada loo diiday inay ilaaladooda looga celinayo meel ka fog xarunta Gollaha Shacabka ee magaalada Muqdisho.

Gudoomiye Jawaari iyo ku xigeenkiisa Cabdiweli Muudey ayaa ku sugan xarunta, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda uu furmo Kulanka, kaasi oo labada dhinaca kala wataan laba ajande oo iska soo horjeeda.

Cabdiweli Muudey ayaa shalay Xildhibaanada u diray Fariimo uu ku wargeliyay in ay soo xaadiraan Kulanka maanta oo ajandihiisu yahay cod u qaadista Mooshinka kalsooni kala noqoshada Jawaari.

Dhinaca kale, Xildhibaanada taageersan Jawaari horey u go'aamiyeen inay qabsanayaan Kulan ay uga hadlayaan derbiga Kenya ay ka dhisayso magaalada Balad Xaawo, ee gobolka Gedo.

Lama oga sida uu u dhici doono Kulanka maanta, iyadoo Jawaari loo diiday inuu hogaamiyo Kulanka, maadaama uu Mooshin ka yaallo, illaa go'aan laga gaarayana uu la fariisan doono Xildhibaanada kale.

Waxaa la xiray saaka wadooyinka Caasimadda, iyadoo Ciidamo badan la dhigay Isgoysyada kala duwan kuwaasi oo gebi ahaanba joojiyay Isku socodkii Gaadiidka BL-ka iyo Dadweynaha intaba. Halkan ka akhri Warbixinta.

Wixii kusoo kordha Xaaladda Gollaha Shacabka, kala soco Warsidaha Garowe Online.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muxuu Trump u diiday inuu lacag ku bixiyo howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya?

Howlgalka ATMIS oo la filayo inuu gebi ahaanba baxo dabayaaqada sannadkan ayaa weli ku leeyahay mushaarooyin iyo gunnooyin gaaraya ilaa $100 milyan.

  • Soomaliya

    10-05-2025

  • 05:31PM

Firdhiye oo Xasan Sheekh la wadaagay Warbixin ku saabsan Xaaladda SSC-Khaatumo

Firdhiye ayaa uga mahadceliyay sidoo kale Xasan Sheekh casuumaadda uu usoo diray ee ka qeybgalka Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran.

  • Soomaliya

    10-05-2025

  • 04:15PM