Xildhibaano kulan qarsoodi ah la yeeshay Fahad Yaasiin oo la xiray

Image

NAIROBI, Kenya – Laamaha amniga Kenya ayaa garoomada diyaaradaha Jomo Kenyatta iyo Wilson ku qabtay sideed Xildhibaano kuwaasoo looga shakisan yahay in ay booqdeen Soomaaliya.

Wargeyska afka dheer ee The Star ayaa daaha ka rogay in xubnahaan oo kasoo jeeda Gobolka Waqooyi Barri la xiray isla markiiba ay kasoo kala dageen garoomada halkaasna lagu sugayey.

Telefishinka maxaliga ah ee Citizen Tv ayaa xusay in xubnahaan ay Sabtidii ka degeen magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.

Illo lagu kalsoonaan karo ayaa GO u sheegay in ay ka kulmeen mas'uuliyiin uu kamid yahay taliyaha sirdoonka Soomaaliya, Fahad Yaasiin Daahir, oo ah ninka ugu awooda badan ee dowladda.

Mudaneyaasha ayaa laga soo kala doortaa magaalooyinka Mandera iyo Wajeer, wallow aan la shaacin magacyadooda.

Warbixinadda ayaa intaas ku daraya in ujeedka socdaalkooda uu daaranaa xalinta khilaafka dowladda iyo Jubaland. Si lamid ah taag-taaga diblumaasiyadeed ee Nairobi iyo Muqdisho.

Hay'adda Dambi Baarista CID ayaa la tibaaxay in ay waydiin doonto su’aallo la xiriira safarkooda iyo hadii ay ogolaanshiyo dhab ah ay ka haysteen guddoonka baarlamaanka waddanka Kenya.

Sidoo kale, waydiimaha ayaa daaran hadii safarkooda uu ahaa mid rasmi ah ama in uu ahaa mid shaqsiyadeed.

Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa ka dhex-aloolsan xiisad diblumaasiyadeed oo ku saabsan dhinacyadda; kiiska badda ee horyaala ICJ, arrinta Jubaland iyo xiisadda ka taagan xuduudka ee AMISOM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM