Xildhibaano Mooshin ka Gudbiyey Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya

Image

MUQDISHO- Xildhibaano saaka aroortii ku qabtey warsaxafeed magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegeen in  mooshin ka dhan ah Gudoomiyaha aqalka hoose ee Barlamanka Soomaaliya u dhibeen Ku xigeenadiisa.

Xubnahaan ayaa Gudoomiyaha aqalka ku eedeynaya xil gudasho la’aan iyo inuu u qaatey aqalka wakiilada Soomaaliya oo loo doortey labo jeer mid isagu si gaar ah u leeyahay.

Xildhibanadaan oo uu hogaaminayey Cabdulahi Shiikh Ismaaciil ayaa xusey in mooshinkaan ay gudbiyeen 108 mundane iyagoo rajeynaya in intaas ka badan yihiin.

Mudanyaashaan ayaa ka codsadey Xildhibaanada kale iney ku soo biiraan mooshinkaan oo ay yiraahdeen waa mid lagu badbaadinayo Golahaan.

Warsidaha Garowe Online ayaa horey u shaaciyey Halkaan Ka akhri  iney jiraan Xildhibaano diyaarinaya mooshin ka dhan ah Gudoomiyaha aqalka hoose ee Barlamanka Soomaaliya kuwasoo ku eedeynaya arimo kala duwan.

Afhayeenka iyo ku xigeenadiisa waxaa Xildhibanada aqalka Hoose xilka kaga qaadi karaan codbidxinta saddex dalool laba dalool xubnaha Golaha Shacabka.

 

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Maraykanka oo Sheegay In Uusan Wadahadallo Kula Jirin Somaliland Si Loo Aqoonsado

Madaxweyne Trump ayaa dhawaan mar kale muujiyay xiisaha uu u qabo arrimaha amniga ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    28-08-2025

  • 05:02PM

Kenya oo Dhex-dhexaadinaysa Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe

Khilaafkan siyaasadeed wuxuu imaanayaa xilli uu muran xooggan ka taagan yahay wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    28-08-2025

  • 01:02PM