Xiliga uu furmayo kal-fadhiga 5aad ee Gollaha Shacabka oo la shaaciyay

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddiga joogtada ah ee Gollaha Shacabka baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulan ku yeeshay maanta oo Khamiis ah xaruntooda ee magaaladda Muqdisho.

Fadhiga oo ay kasoo qaybgaleen inta badan xubnaha Gollaha ayaa waxaa shir gudoomiyay Afhayeenka Gollahaasi, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan.

Sidda laga soo xigtay xogheynta Gollaha, ajendaha kulanka ayaa ah mudeynta furitaanka kalfadhiga 5-aad ee Golaha Shacabka.

Sidda ku cad qoraal kasoo baxay Gollaha, 27-da bishaan Maaj oo ku beegan maalin Arbaco ah ayaa loo mudeeyay munaasabadaasi.

Mudeynta xiliga la furayo kal-fadhiga 5aad ee Aqalka Hoose ayaa imaanaysa iyada oo aan wali la xalin khilaafkii kala dhaxeeyay Aqalka Sare.

Aqalka Sare ayaa horey u shaaciyay in uu furmi doono kal-fadhigiisa 5aad 16-ka bishaan Maaj oo laga soo gudbay, taasoo dib u dhac ay ku timid.

Sidda ku cad jadwal howleedka Gollaha Shacabka, kal-fadhiga 5aad waxaa uu furmi lahaa 10-ka bishaan, balse ma aaney dhicin.

Sababta dib u dhacaasi keentay ayaa lagu sheegay in ay ahayd Gudoomiye Mursal oo dibada ku maqnaa iyo muranka taagan.

Go’aanka maanta kasoo baxay Guddiga joogtada ah ee Aqalka Hoose ayaa imaanaya iyada oo shalay kulan looga hadlayay xoojinta xiriirka baarlamaanka Soomaaliya uu ka qabsoomay Muqdisho.

Shirkaasi oo ay ka qaybgaleen gudoonada labada Golle ayaa waxaa kasoo muuqday ku xigeenka wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u fadhiya Muqdisho, inkasta oo natiijada kasoo baxday aanan lala wadaagin saxaafada.

Madaxwayne Farmaajo ayaa horey u balanqaaday in uu xalin doono khilaafka labada Aqalka, wallow aananu muuqan talaabo horumar laga sameeyay oo ay Madaxtooyadda ka gaartay arrinkaan.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Baaq Nabadeed u Dirtay Hindiya iyo Pakistan xilli Xiisaddu Kacsan Tahay

Xiisadda ayaa cirka isku shareertay kadib weerar ka dhacay magaalada Pahalgam ee ku taalla Kashmir ee ay maamusho Hindiya.

  • Soomaliya

    05-05-2025

  • 09:22AM

Hubanti La'aan hareysay Shirka Wadatashiga Qaranka Kadib Dib-u-Dhacyo iyo Ka-Qaybgal La’aan

Dhinaca kale, madaxda Puntland iyo Jubbaland ayaa si rasmi ah u caddeeyay inaysan shirka ka qaybgalaynin.

  • Soomaliya

    05-05-2025

  • 08:44AM