Xildhibaan ka tirsanaa Gollaha Shacabka oo is casilay [Sabab]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddiga doorashooyinka Soomaaliya ayaa sheegay maanta oo Axad ah in Xilldhibaan C/qaadir Maxamuud Gaafoow, uu iska casilay xilka Xilldhibaanimo ee Gollaha sharci dejinta dalka Soomaaliya.

Ma cadda sababta ka dambeysa is-casilaadda Xilldhibaanka, balse, warar soo baxaya ayaa daboolka ka qaadaya in ay salka ku hayso is-qabqabsi ka taagnaa doorashadii uu marku hore kusoo baxay Xilldhibaan Cabduqaadir Gaafoow Maxamuud.

Guddiga khilaafo xalinta ee doorashooyinka dalka ayaa lagu soo waramayaa in tan iyo markii uu kusoo baxay doorashadiisa ay wadeen dadaalo ay ku doonayeen inay xal kaga gaaraan, taasoo ugu dambeyn qasabtay inuu meesha ka baxo Xilldhibaanla.

Degaan ahaan, waxaa Xilldhibaanka laga soo doortay maamul goboleedka Galmudug, waxaana doorashadiisa ay dhacday sanadkii 2017, xili ay ka qabsoontay magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, inkastoo qorshuhu ahaa inay Cadaado ka dhacdo.

Kursiga Xildhibaanka iska-casiley ayaa kamid ahaa kuraastii muranka uu ka dhashay ee dib loo celiyay, waxaana doorashadiisa ay dhacday labo jeer.

Gudoomiyaha Guddiga doorashooyinka madaxa banaan ee dowladda Federaalka ah Soomaaliya, Xaliimo Ismaaciil [Xaliimo Yarey] ayaa waxay sheegtay doorashadda Kursiga uu baneeyay Xilldhibaan Cabdiqaadir ay dhowaan dhici doonto.

Sidoo kale, waxay intaas ku dartay inay qaban doonan doorashadda Kuraas kale, kuwaasoo ay beeneeyeen, Agaasimaha NISA Xuseen Cismaan, C/qaadir Gaafow oo is casilay iyo Marxuum Khaliif Cabdullahi, oo geeryooday.

Xaliimo Yarey ayaa carabka ku dhufatay in doorashadda saddexdaan Kursi ay ka dhici doonto Magaalooyinka Baydhabo iyo Dhuusamareeb, maadaama degaan ahaan halkaas ay kasoo jeedaan Mudanayaasha xilka baneeyay.

C/qaadir Gaafoow Maxamuud ayaa la dhashay Taliyihii hore ee NISA C/llaahi Gaafoow, waxaana doorashadiisa oo ka qabsoontay Magaalo madaxda dalka hareeyay buuq siyaasadeed, taasoo dhinacyada siyaasadeed ee dalka iska horjeeda ku lug-lahaayeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM