Xisbiga Sheekh Shariif: Dowladda Soomaaliya waa in ay ilaaliso Dastuurka

Image
Xisbigan uu hogaamiyo madaxwayne hore Shariif Sheekh Axmed ayaa cambaareeyay kala eryida banaanbaxayaasha.

MUQDISHO, Soomaaliya - Xisbiga Himilo Qaran oo uu hogaamiyo madaxwayne hore Shariif Sheekh Axmed ayaa cambaareeyay hab-dhaqanka ciidamadda dowladda ku kala eryeen Bajaajleyda banaanbaxdey.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA XISBIGA

Ugu horayn, xisbiga Hinilo Qaran wuxuu cambaraynayaa hab-dhaqankii foosha xumaa ee lagula kacay dhalinyaradii cabashadooda ku soo gudbineysay si nabad geliyo ah ee loo geystay dhaawaca, burburin hantiyadeed iyo in laga xareysto mootooyinkii ay ku shaqeysanayeen. 

Xisbiga Himilo Qaran wuxuu garab taagan yahay cabashada dhallinyarada iyo shacabka dan-yarta ah ee la hardamaya sidii ay maciishaddooda kulasoo bixi lahaayeen.

Xisbigu kamasoo hor-jeedo in dowladda cashuur qaaddo laakiin wuxuu kasoo hor-jeedaa in danyarta la saaro canshuur aysan qaadi karin taasoo ka badan dhakhliga yar ee soo gala.

Xisbigu wuxuu xasuusinayaa in madaxda qaranku ay ku yimaadeen hannaan doorasho, waxay ku dhaarteen in ay ilaalinayaan dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka u degsan, xilkooduna ay u gudanayaan si daacad ah. Hadaba qodobka 20aad ee Dastuurka ku Meelgaar ah faqradiisa 1aad wuxuu si cad u damaanad qaadayaa Xorriyadda Kulanka, Bannaanbaxa iyo Cabashada ayadoon loo baahnayn fasax ama ogolaansho.

Sidaa Daraadeed, Xisbigu wuxuu usoo jeedinayaa dowladdu in ay ilaaliso Dasuurka, oo ay dhagaysato dadka, dhagahana aysan ka furaysanin culayska soo wajahay danyarta ee ay keentay canshuuraha aan ku dhisnayn xikmadda iyo xeerinta duruufaha shacabka. 

Xisbigu wuxuu aaminsan yahay in canshuuraha aan caddaaladda ku dhisnayn, kana turjumayn duruufaha dhabta ah ee danyarta ay ka dhalan karto qalalaase amni iyo degenaasho la’aan taasoo wakhtigaan aan loo baahnayn. 

Ugu danbayn, waxaan dowladda kula talinaynaa haddii ay doonayso inay dakhliga kordhiso inay wax ka qabato musuqa xadka dhaafay ee ka jira hay’adaha dowladda dhexdeeda inta ay saari lahayd shacabka culays aysan qaadi karin. 


GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Mareykanka oo ku duqeeyay Daacishta Buuraha Calmiskaad

Faahfaahin gaar ah oo ku saabsan cutubyada iyo qalabka la adeegsaday lama shaacin doono si loo ilaaliyo amniga howlgalka.

  • Soomaliya

    11-03-2026

  • 01:33PM

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta si looga sifeeyo deegaannada ay weli ku dhuumaalaystaan.

  • Soomaliya

    09-03-2026

  • 10:18PM