Xisbiga Sheekh Shariif eedeymo culus u jeediyay Dowladda Federaalka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xisbiga madaxweynihii 7aad ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Axmed ayaa wuxuu xaqiijiyey in laga hor-istaagey socdaal uu ku tegi lahaa magaaladda Kismaayo.

Sheekh Shariif ayaa caasimadda ku meel gaarka maamul goboleedka Jubbaland waxa uga qeybgeli lahaa caleema saarka madaxweyne Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe].

Hogaamiyaha xisbiga Himilo Qaran oo la socday diyaaradda Turkish Airlines ayaa wuxuu ka yimid waddanka Turkiga, isaga oo uga soo gudbi lahaa magaaladda dekadda leh.

War-saxaafadeed uu xisbigu soo saarey kaasi oo luqad adag ku qornaa ayaa wuxuu ku eedeeyay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya "ku tagri fal awoodeed".

Sidda laga soo xigtay bayaanka, talaabadda is-hortaaga lagu sameeyay Shariif ayaa ah "xadgudub ka dhan ah sharafta bini'aadanimadda iyo dastuurka qabyadda ee waddanku leeyahay".

Xukuumadda ayaa nan wali ka jawaabin eedeymahan iyo sababta ay siyaasigan iyo wafdi uu horkacayey ugu diiday in ay u duulaan xarunta gobolka Jubadda Hoose.

Xukuumadda ayaa nan wali ka jawaabin eedeymahan iyo sababta ay siyaasigan iyo wafdi uu horkacayey ugu diiday in ay u duulaan xarunta gobolka Jubadda Hoose.

Villa Soomaaliya ayaa ku amartay diyaaradaha tegaya Kismaayo in ay soo maraan Muqdisho iyo in ay duulimaadka soo codsadaan 24-saac kahor inta aysan duulimaadka bilaabin.

Talaabadaas ayaa lagu tilmaamay isku day ay Madaxtooyadda Qaranka ku dooneyso in ay ku baajiso caleema saarka Axmed Madoobe oo 26-ka bishan September loo balansan yahay.

Hoos ka akhriso warka qoraalka ah

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyihii Hore ee Asluubta Soomaaliya oo Hanjabaad u Diray Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Mahad Shub ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada iyo diyaaradaha la geeyay Baydhabo aysan ka hor istaagi doonin qorshayaashiisa.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 05:10PM

Mas’uuliyiinta ugu sarreysa amniga Soomaaliya oo ka maqan shirka Kampala

Maqnaanshaha hoggaanka sare ee amniga Soomaaliya ayaa su’aalo ka dhex abuuray qaar ka mid ah dadka indha-indheeya arrimaha gobolka.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 01:58PM