Xisbiga Sheekh Shariif oo digniin kasoo saarey kulanka Golaha Wadatashiga Qaranka

Image
Xisbigu ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqay in uu ka daayo faragelinta aan waafaqsaneyn dastuurka uu ku haayo dowlad goboleedyada.

MUQDISHO, Soomaaliya - Xubnaha xisbiga Himilo Qaran ayaa isugu yimid shir degdeg waxaana lagu falanqeeyay xaaladda guud ee Dalka gaar ahaan shirka magaalada Muqdisho uga socda qaar ka mid ah Golaha Wadatashiga Qaran.

Dood dheer iyo falanqeen kadib shirkaan waxaa ka soo baxay qodobada hoos ku xisan:

1. Xibiga Himilo Qaran wuxuu ka digayaa in madashu ay soosaarto go’aanno siyaasadeed oo uga sii daraya xaaladda cakiran ee uu dalka hadda ku jiro, islamarkaana abuuri kara khilaafaad siyaasadeed oo hor leh.

2. Xisbigu wuxuu adkeynayaa, una soojeedinayaa GWQ in ay dhowraan una hoggaansamaan qodobka 120aad ee dastuurka dalak, kaasoo dowlad goboleedyada u ogolaanaya in ay doorashooyinkooda qabsadaan.

3. Xisbigu wuxuu Madaxweynaha JFS ugu baaqayaa in uu ka daayo faragelinta aan waafaqsaneyn dastuurka iyo xeerarka dalka ee uu ku haayo dowlad goboleedyada.

4. Xisbigu wuxuu ugu baaqayaa madaxda ku shirsan madaxtooyada Qaranka in ay ilaaliyaan wada jirka iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.

5. Xisbigu wuxuu ka digayaa muddo kordhin loo sameeyo madaxda dowlad goboleedyada dalka, si madaxweynaha JFS ugu bedesho dano siyaasadeed oo u gaar ah.

6. Xisbigu wuxuu cadeynayaa in uusan aqbali doonin muddo kororsi loo sameeyo hay’adaha la doortay oo dhan heer walba.

7. Xisbigu wuxuu ugu baaqayaa Madaxweynaha JFS in uu wax kaqabto xal uhelidda khilaafaadka siyaasadeed ee taagan iyo dagaalada sukeeye ee ka kasocda meelo badan oo dalka ka mid ah, isla markaana uu ka shaqeeyo sidii loogu midoobi lahaa difaaca Qaranka.

Ugu dambayn, Xisbiga Himilo Qaran wuxuu umadda Soomaaliyeed ugu baaqayaa in loo midoobo cadawga ummadda Soomaaliyeed gudaha iyo dibaddaba, kana hor yimaadaan wax walba oo kala geynaya midnimadooda iyo wadajirkooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM