Xisbiyada Soomaaliya oo soo dhaweeyay shirkii uu ic-laamiyey Deni

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Shan kamida xisbiyadda siyaasadeed ka jira Soomaaliya oo maanta ku kulmay Muqdisho ayaa soo dhaweeyay Shirkii uu ic-laamiyay madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni.

Shirkaan oo loo madal-san yahay in berri oo Khamiis ah uu ka furmo xarunta gobolka Nugaal ee Garowe ayaa waxaa ka qaybgalaya madaxda maamulada iyo dowlada federaalka.

Sidda ku cad bayaan ay axsaabta soo saareen, waxayna dhiirogeliyeen in uu qabsoomo shirka, ayna kasoo baxaan "go'aan wax tar u leh geedi u socodka dimoqraadiyada iyo xasiloonida dalka".

Geesta kale, xisbiyadda ayaa ku tartarsiiyay xukuumada in ay ku gacan siiso dowlad goboleedyada baacsiga Al-Shabaab iyo in ay caddeyso maqaamka magaalada Muqdisho.

Dastuurka ayay cod dheer ku qeexeen in loo baahan yahay in uu noqdo mid dhameystirkiisa laga talogeliyo dhamaan dhinacyadda ay quseyso oo uusan noqon mid shakhsiyaad ay ka howlgalaan.

Doorashada qof iyo cod ee 2020-ka ayay dalbadeen in heshiis laga gaaro, in Guddiga doorashada loo madax banaaneeyo howlahooda iyo xisbiyada xarumo ka furtaan degaan doorashooyinka gobolada.

Xukuumada Federaalka ah ayay ku booriyeen in ay caburinta ka joojiso siyaasiyiinta aan xilalka hayn, ayna u ogolaato saxaafada ay si xor ah ugutaan howlahooda maalinlaha ah.

HOOS KA AKHRISO BAYAANKA OO DHAMEYSTIRAN

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM

Mahad Salaad oo ku sii jeeda Dhuusamareeb si xal loogu raadiyo khilaafka doorashadda Galmudug

Madaxtooyada Soomaaliya [Villa Somalia] iyo maamulka Galmudug ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararkan.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 09:02AM