Xog cusub oo laga helay qaraxii Muqdisho [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax xoogan oo jugtiisa laga wada maqlay xafaado ka tirsan Muqdisho ayaa wuxuu ka dhacay Nawaaxiga Shaneemo Soomaali, gaara ahaan kasoo horjeeda Baar Italia, halkaasoo ah meel ay ku shaaheeyaan dad kala duwan.

Afhayeenka gobolka Banaadir, Saalax Xasan Cumar [Saalax Dheere] oo warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyay in weerarka ay ku dhinteen Saddex qof oo ay ku jiraan Askar ka tirsan ciidamada dowladda, halka dhaawaca uu ku sheegay Sagaal ruux.

Al-Shabaab oo sheegatay mas'uuliyadda weerarkaan waxay daboolka ka qaaday inay ku dishay Askar ka tirsan dowladda, inkasta oo aysan cadeynin halka uu ahaa bartilmaameedka Qaraxa, kaasoo noociisa ay kasoo baxayaan warar is-khilaafsan.

Faahfaahinada qaar ayaa sheegaya in Qaraxa uu ahaa mid ka dhashay gaari la dhigay wadada dhinaceeda, halka kuwa kale ay tilmaamayaan inuu ahaa mid is-miidaamin ah, oo baabuurka qarxay oo nooca raaxadda ahaa uu la socday qof naftiis hurre ahaa.

"Qaraxa wuu cuslaa. Ma caddeyn karno cida lala beegsanayay. Balse, waxaa loo badinayaa inuu ahaa mid is-miidaamin ah, sababtoo ah gaariga qarxay waxaa lagu arkay wadada dhexdeeda," Nuur Maxamed, ayaa sidaasi u sheegay GO.

Gaariga ayaa ku qarxay banaanka Bar Italia, laakiin nasiib wanaag dadkii fadhiyay banaan ayaa isaga tagey maadaama xilligaasi oo ahayd Salaaddii Maqrib kadib, abaare 7:00 p.m. taasoo keentay in khasaaraha uu yaraado.

Qaraxaan ayaa dhacay saacado kadib markii qarax kale uu ka dhacay degmada Afgooye, kaasoo lagu dilay in ka badan Labo qof oo uu midkood yahay Askari ka tirsan dowladda, halka qofka kale uu ahaa mid Shacab ah, xili dhaawac badan uu jiro.

Sidoo kale, isla Muqdisho waxaa shalay ka dhacay is-rasaasayn dhex-martay Rag hubeysan iyo Askarta DF, taasoo lagu toogtay 2 kamid ah dableyda, halka mid kale la sheegay inuu Kooxda hubeysan la socday lagu qabtay nolasha isaga oo dhaawac ah.

Weeraradaan ayaa imaanaya xili wax ka bedal lagu sameeyay amaanka Muqdisho, oo lagu wareejiyay nabad-gelyadda caasimadda ciidamo Boolis ah, kuwaasoo kala wareegay mas'uuliyadda NISA, oo fashil ku yimid qorshaheeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Aadan Madoobe oo lagu qasbay inuu Xildhibaan Abiib Kursigiisa u celiyo

Wasaarado katirsan Xukuumadda Xamse ayaa lagu soo waramayaa in warqadaha Abiib ay ku waayeen lacag badan iyo Mashaariic.

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 06:03PM

Madaxweynaha Soomaaliya oo si gabasho la’aan ah ugu faanay guulaha Ciidamada Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu maqaalka ku shegeey in dagaalka lagula jiro argagixisada…

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 12:26PM