XOG: Fahad Yasiin oo is-hortaag ku sameeyey Taliye ku xigeenkii hore ee NISA

Image

MUQDISHO - Kadib markii xilka laga qaadey darajadana laga xayuubiyey Taliye ku xigeenkii hore ee ciidamada Nabad Sugida Qaranka Cabdalla Cabdalla Maxamad ayaa waxaa soo baxey warar sheegaya in is-hor-istaag lagu sameeyey inuu ka baxo garoonka diyaardaha Magaalada Muqdisho, sidaas waxaa Garowe online u sheegey Ilo xogogaal ah.

Sida uu ogaadey warsidaha Garowe Online amarka looga hor-istaagey Cabdalla inuu ka dhoofo Muqdisho waxaa bixiyey Taliye ku xigeenka lagu badalay 'Fahad Yaasiin'.

Fahad Yaasiin oo horey u ahaan jirey agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya laguna timaamo inuu yahay ninka ugu awooda badan dowlada Madaxweynaha uu ka yahay Maxamad Cabdulahi Farmaajo ayaa dhinaca kale amar ku siiyey saraakiisha socdaalka ee ku sugan garoonka diyaaradaha Muqdisho in Basaboorka Soomaaliga ah laga qaado Cabdalla Cabdalla Maxamad.

Talaabdaan lagu hor-istaagay Cabdalla Cabdalla ayaa waxaa ka caroodey sida xogtaan sheegeyso Xildhibanaada beeshiisa ( DIR) kaga jira Barlamanka Soomaaliya kuwasoo si deg deg ah uga dalbadey Ra'isal wasaare Khayre in xanibaada laga qaado Taliye ku xigeenkii hore ee ciidamada sirdoonka qaranka Soomaaliya.

Warar lagu kalsoon yahay oo uu heley GO ayaa sidoo kale tibaaxaya in RW Xasan Khayre la hadlay Fahad Yaasiin kana codsadey in xanibaada uu ka qaado Cabdalla Cabdalla isagoo u sheegey in talaabadaan ay xoojineyso Xildhibaanada mucaaradka ku ah xukuumadiisa kuwasoo hadda dhaqdhaqaaq-yo siyaasdeed ee xoogan kawada golaha shacabka oo 10 Sept,2018 furmey.

Wahadalka labadaan mas'uul kadib ayaa waxaa xanibaada laga qaadey Taliye ku xigeenkii hore ee NISA balse sida wararka lagu helayo waxaa uu kaga amambaxey garoonka Aadan Cadde Bassaboor Jabuutiyaan ah, isagoo u dhoofey dalka Sucuudiga halkas oo qoyskiisu dagan yahay.

Cabddalla Cabdalla oo xilka Taliye ku xigeenka NISA laga qaadey maalmo ka hor inta aan loo magacaabin darajadaan Fahad Yaasiin ayaa waxaa maalmo kadib xafiiskiisa jabsadey xubno ka tirsan hay'adda sirdoonka kuwasoo uu ku tilaamey iney xiriir la laahyeen Al-shabaab.

Madaxweynaha Soomaaliya oo arinkaan aad uga caroodey ayaa markii dalka dib ugi soo nqodey, warsaxafdeed loo qaybiyey warbaahinta dalka ku sheegey inuu darajada ciidamada ka xayuubiyey Cabdalla Cabdalla iyadoo talaabadaan mucaaradka dolwada ku timaameen mid sharci daro ah.

Taliye ku xigeenkii hore ayaa inta uusan ka dhoofin magaalada Muqdisho waxaa uu dacwad ka dhan ah ka gudbiyey Agaasimaha hay'ada sirdoonka Uurkuus iyo ku xigeenkiisa Fahad Yaasiin.

Fahad Yaasiin ayaa xilka Taliye ku xigeneka NISA markii loo magacaabey ayaa waxaa diidmo ka muujiyey madaxda hay'adaha sirdoonka wadamada ciidamadu ka joogaan dalka Soomaaliya kuwasoo sheegey ineysan la qabysaneyn ku xigeenka cusub xogta kooxaha argagixsada ah halka dhinaca kale ku timaamen inuusan wax khibrad ah u alehyn shaqada loo magacaabey.

GAROWE ONLINNE

Related Articles

Museveni: Soomaaliya waxay u baahan tahay taageeradii la siiyay Uganda xiligii Idi Amin

Shirweynahan ayaa sidoo kale ka qaybgalay madaxda kale ee Afrika, oo ay ku jiraan Ra'iisul Wasaaraha Jabuuti.

  • Soomaliya

    26-04-2025

  • 01:13PM

Cadaadis Saaran Midowga Afrika Kadib Hubanti la'aan soo wajahday Howlgalka Soomaaliya

In la kordhiyo tirada ciidamada AUSSOM ugu yaraan 8,000 askari si loo xoojiyo dagaalka lagula jiro Al Shabaab.

  • Soomaliya

    26-04-2025

  • 10:34AM