XOG: Guddoomiyaha Barlamanka DF oo diidey codsi uga yimid Villa Soomaaliya

Image

MUQDISHO - Guddoomiyaha Barlamanka Federaalka Maxamad Mursal Sheekh oo kulamo la qaatey qaar ka tirsan madaxda Villa Soomaaliya qaarkood ayaa sida wararka lagu helayo waxay ku soo dhamaadeen natiijo la'aan. 

Sida warsidaha Garowe Online ku heley xog lagu lagu kalsoon yahay, kulan Guddomiye Mursal la qaatey Ra'isal wasaare Khayre iyo Taliyaha ciidamada Nabad Sugida "NISA' Fahad Yaasiin ayaa waxaa uu ku gacan sayrey codsi la xiriira inuusan ka noqon go'aankii lagu kala direy guddiga maaliyada ee Barlamanka Federaalka Soomaaliya.

Gudoomiyaha ayaa xubnahaan u sheegey in faragalin lagu sameeyey hay'adii uu madaxda ka ahaa isagoo xubnaha uu la kulmay uga digey faragalinta golaha xukuumada ku hayo Barlamanka Federaalka Soomaaliya.

Go'aanka Maxamad Mursal ku diidey codsiga Villa Soomaaliya ayaa habeenkii xalay waxaa uu xiisad siyaasadeed oo cusub ka abuurey magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta looga arimiyo dowlada Federaalka ah.

Guddiga maaliyada Barlamanka  Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa kala direy ku-xigeenka Kowaad ee aqalka Wakiilada talaabadaas oo  khilaafsan xeer hoosaadka aqalka.

Kalfahdiga Barlamanka oo hakad ku jira ayaa xildhibaanada mucaaradka ku ah xukuumada Khayre waxay rumeysan yihiin in khilaafkaan loo abuurey macnihiisu yahay in hay'daaan la mashquuliyo si loo joojiyo barnaamijyadalagula xisaantamayi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee khilaafka dastuuriga ah ee Soomaaliya u saameynayaa amniga Geeska Afrika?

Falanqaynta caalamiga ah ayaa ku baaqaysa in degdeg xal loogu helo khilaafkan ka hor inta aysan xaaladdu faraha ka bixin.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 12:58PM

Muxuu salka ku hayaa safarka Xasan Sheekh ee Kenya ka dib dhammaadkii muddo-xileedkiisa?

Nairobi ayaa muddo dheer u adeegi jirtay xarun muhiim u ah go'aamada iyo wadahadallada siyaasadda Soomaaliya ee daaha gadaashiisa ah.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 07:01AM