XOG: Ku dhawaad 50% Saraakiisha dowladda Soomaaliya oo qaatay baasaboor ama kaarka aqoonsiga Kenya
KENYA - Ilo-wareedyo ku sugan Kenya ayaa sheegaya in boqolkiiba 40 ilaa 50% saraakiisha sare iyo kuwa heer-dhexe ee dowladda Soomaaliya ka shaqeeya ee ku sugan Muqdisho ay haystaan baasaboor ama kaarka aqoonsiga Kenya, kuwaas oo la sheegay in si khiyaano ah lagu helay.
Haddii xogtan ay sax noqoto, arrintan ayaa noqon karta mid si weyn u taabanaysa arrimaha amniga iyo aqoonsiga Kenya, maadaama ay ku lug leedahay masuuliyiin ka tirsan hay’adaha dowladda Soomaaliya.
Wararka ayaa sheegaya in hay’adaha socdaalka, sirdoonka iyo amniga Kenya ay hadda si wadajir ah uga shaqeynayaan in si qarsoodi ah loo baajiyo aqoonsiyada iyo baasaboorrada la sheegay in si aan waafaqsanayn sharciga lagu helay.
Sidoo kale, ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in mas’uul sare oo kale oo Soomaaliyeed laga celiyay Garoonka Caalamiga ah ee Jomo Kenyatta (JKIA) toddobaadkan kadib markii lagu ogaaday inuu watay baasaboor Kenyan ah.
Dhanka kale, Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay inay u yeertay Safiirka Kenya ee Muqdisho si ay uga cabato dhacdooyinka ka dhacay garoonka JKIA, kuwaas oo ay u aragto kuwo ceeb ku ah xiriirka labada dal.
Wasiiru dowlaha Madaxtooyadda Soomaaliya Abshir Bukhaari ayaa laga soo celiyay Nairobi, kadib markii lagu helay baasaboorka Kenya, oo si sharci darro ah ku qaatay. Bishii hore, ku-xigeenka 2aad ee Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Jibril Abdirashid Haji ayaa isna laga soo celiyay.
Ilaa hadda ma jiro xaqiijin rasmi ah oo ka soo baxday dowladda Soomaaliya ama dowladda Kenya oo ku saabsan eedeymahan.
GAROWE ONLINE