XOG: RW Khayre iyo CC Shakuur oo la dhex-dhexaadinayo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Mas'uuliyiin katirsan dowladda Soomaaliya ayaa billaabay dhex-dhexaadin ay ka dhex-wadaan Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Illo xog-ogaal ah ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay in Wasiirka cusub ee Arrimaha Gudaha, Cabdi Maxamed Sabriye uu hormuud u yahay waan-waanta lagu dhameynayo khilaafka labada dhinac.

Garowe Online ayaa ogaaday in la joojiyay dacwaddii Maxkamadda Racfaanka gobolka Banaadir ee ku socotay CC Shakuur, iyadoo dowladda laga yaabo inay magdhaw ka bixiso weerarkii guriya Siyaasigan.

Macluumaadka GO ayaa sheegaya in Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo xubnaha kale ee ku jira dhex-dhexaadinta ay doonayaan in qaab xeer-jajab ah lagu xaliyo arinta CC Shakuur oo saaran xayiraad dhanka safarka, sidoo kale laga qaaday Baasaboorkiisa.

Waan-waanta socota ayaa maraysa hadda heer gabo-gabo ah, iyadoo aan la ogeyn halka ay ku dhimaan doonto kiiska CC Shakuur, oo ka dhashay duulaan ay NISA ku qaadey Guriga uu ka degan yahay Muqdisho kaasi oo lagu dilay 5 kamid ahaa ilaaladiisa, isagana kasoo gaarey dhaawac fudud.

Xukuumadda ayaa sidoo kale xabsiga dhigtay CC Shakuur, iyadoo ku eedaysay inuu dhaqaale kasoo qaatey dalal shisheeye iyo inuu Caasimadda kawaday dhaq-dhaqaaqyo mooshin dhan ah Farmaajo lagu diyaarinayo.

CC Shakuur oo kamid ahaa musharaxiinta tartanka la gashay Madaxweyne Farmaajo doorashadii sideedii February ka dhacday Muqdisho, ayaa si aad ah u dhaliila Xukuumadda Ra'iisul Wasaare Khayre iyo Xafiiska Madaxweynaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jubbaland: Soomaaliya waxay wajahaysaa khatar kali-talisnimo iyo burbur ku yimaada federaalka 

Doorashooyinka la qorsheeyay ayaa dalka ka saari lahaa nidaamka beelaha kuna bedeli lahaa cod-bixin guud.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 02:21PM

Farmaajo: Xasan Sheekh wuxuu si ula kac ah ugu tuntay Dastuurka Soomaaliya

Farmaajo ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku kacay falal ka hor imaanaya dastuurka.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 09:45AM