Xubno ka tirsan Shabaab oo nolasha lagu qabtay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Laamaha amaanka ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigeen Shan qof, kuwaasoo ay ku sheegeen inay ka tirsan xoogaga Al-Shabaab ee xiriirka la leh Urur-waynaha Al-Qaacidda.

War lagu daabacay warbaahinta ku hadasha afka dowladda ayaa lagu sheegay in Raggaan ay qorsheynayeen weerar ay ka fuliyaan degaanka Calamada ee duleedka Muqdisho, islamarkaana loosoo gudbin doono caasimada dalka.

Sarkaal aan la shaacin magaciisa oo ay soo xigatay warbaahinta dowlada ayaa sheegay in xubnahaan ay gacanta ku dhigeen Hay'addaha nabad-gelyadda dowladda la haayey macluumaadkooda ku aadan inay qorsheynayaa weerar.

"Ciidamada amaanka ee degaanka Calamada waxay qabteen 5 ka tirsan Al-Shabaab, kuwaaasoo qorsheynayay weerar ay halkaas ka geystaan. Muqdisho ayaana loosoo gudbin doonaa," sidaas waxaa sheegay sarkaal ka tirsan ciidanka dowlada.

Al-Shabaab illaa iyo haatan war kama aysan soo saarin sheegashadda ka timid laamaha amniga ee Soomaaliya.

Sarkaalka oo hadalkiisa sii wata waxa uu tibaaxay in xubnaha ay qabteen ay ahaayeen kuwa hubeysan, islamarkaana marka la keeno Magaalada caasimada ah ee Muqdisho la gayn doono xarumaha dambi baarista si baaritaano dheeraad ah loogu diro.

Maalmihii u dambeeyay amniga Muqdisho ayaa ahaa mid faraha kasii baxayay, inkasta oo ciidamada amaanka ay laba jibaareen howlgalada ka dhanka ah caasimadda, kuwaasoo lagu beegsanayo Ragga looga shakisan yahay inay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM