Xubno ka tirsan Shabaab oo nolasha lagu qabtay

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Laamaha amaanka ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigeen Shan qof, kuwaasoo ay ku sheegeen inay ka tirsan xoogaga Al-Shabaab ee xiriirka la leh Urur-waynaha Al-Qaacidda.

War lagu daabacay warbaahinta ku hadasha afka dowladda ayaa lagu sheegay in Raggaan ay qorsheynayeen weerar ay ka fuliyaan degaanka Calamada ee duleedka Muqdisho, islamarkaana loosoo gudbin doono caasimada dalka.

Sarkaal aan la shaacin magaciisa oo ay soo xigatay warbaahinta dowlada ayaa sheegay in xubnahaan ay gacanta ku dhigeen Hay'addaha nabad-gelyadda dowladda la haayey macluumaadkooda ku aadan inay qorsheynayaa weerar.

"Ciidamada amaanka ee degaanka Calamada waxay qabteen 5 ka tirsan Al-Shabaab, kuwaaasoo qorsheynayay weerar ay halkaas ka geystaan. Muqdisho ayaana loosoo gudbin doonaa," sidaas waxaa sheegay sarkaal ka tirsan ciidanka dowlada.

Al-Shabaab illaa iyo haatan war kama aysan soo saarin sheegashadda ka timid laamaha amniga ee Soomaaliya.

Sarkaalka oo hadalkiisa sii wata waxa uu tibaaxay in xubnaha ay qabteen ay ahaayeen kuwa hubeysan, islamarkaana marka la keeno Magaalada caasimada ah ee Muqdisho la gayn doono xarumaha dambi baarista si baaritaano dheeraad ah loogu diro.

Maalmihii u dambeeyay amniga Muqdisho ayaa ahaa mid faraha kasii baxayay, inkasta oo ciidamada amaanka ay laba jibaareen howlgalada ka dhanka ah caasimadda, kuwaasoo lagu beegsanayo Ragga looga shakisan yahay inay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maamulka Khaatumo oo saxiixey qoraal lagu jiritaan tirayo maamulka Jubaland

Qodobka lixaad ee warmurtiyeedka ayaa sheegay: "GWQ waxa uu isku raacay…

  • Soomaliya

    09-05-2025

  • 05:52PM

Mareykanka oo $10 Milyan ku raadinaya ninkii ka dambeeyay weerarkii Manda Bay

Cabdullaahi Banati ayaa lagu eedeeyaa inuu qeyb ka ahaa qorsheynta iyo fulinta weerarkii 5tii Janaayo 2020 ee lagu qaaday Manda Bay Airfield.

  • Soomaliya

    08-05-2025

  • 12:37PM