Xildhibaano dalbaday in la joojiyo "dib u qorista dastuurka Soomaaliya"

Image
Xildhibaanadan ayaa afar qodob kaga soo horjeestay hanaanka socda.

Muqdisho, Soomaaliya - 70-Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ayaa shir jaraa’id oo ay qabteen waxa ay ku sheegeen in ay ka biyo diideen dowladda mashruuca dhameystirka Dastuurka, sababo la xiriira faragelin ay ku hayaan dhinacyo siyaasadeed.

Diidmada wakiilada ayaa salka ku haysa afar arrimood oo ay ugu muhiimsan tahay in aanay loo dhameyn hanaanka geedi socodka Dastuurka, maadaama ay xubnaha Golaha hoose iyo Golaha sare ay ku mideysneen habraaca lagu wado.

Sababta labaad ayaa ah in waxa dhacaya ay tahay in dib loo qorْaya dastuur cusub, oo aan dib u eegis lagu sameyn dastuurka KMG ah, sida lagu sheegay shirka jaraa’id oo ay qabteen wakiilada, iyaga oo xaqiijiyay in la baal maray habraacyadii u degsanaa dib u eegista dastuurka.

ْXildhibaanada ayaa sidoo kale ku baaqay in la dardar geliyo doorka Dowlad-Goboleedyada ee ku aadan dhameystirka Dastuurka, lagana dhigo la tashiyada ku saabsan dastuurka kuwoo loo dhanyahay.

Waxay sidoo kale ka soo horjeesteen hanaanka loo marayo dhameystirka Dastuurka oo ay sheegeen in uu si dhaqsi ah ku socdo, waxa ayna tilmaameen in laga walaacsan yahay jiritaanka dano gaar ah oo looga faa’ideysanayo barnaamijkan.

Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa billowday inay gasho marxalad cusub, iyadoo xildhibaannada baarlamaanka ay ka doodeen afar cutub oo ka mid ah dastuurka, waxaana dhismaya isbaheysiyo cusub oo lagu abuurayo masrax siyaasadeed loogu diyaar-garoobaya is-qabqabsiga doorashada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxaa looga hadlay shirka saddex-geesood ah ee ka dhacay Jabuuti?

Sida ay sheegeen mas’uuliyiin, wada-hadallada ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    12-03-2026

  • 09:36AM

Soomaaliya: Mareykanka oo ku duqeeyay Daacishta Buuraha Calmiskaad

Faahfaahin gaar ah oo ku saabsan cutubyada iyo qalabka la adeegsaday lama shaacin doono si loo ilaaliyo amniga howlgalka.

  • Soomaliya

    11-03-2026

  • 01:33PM