Xubno kasoo "goostay" Al-Shabaab oo lasoo bandhigay [Sawirro]

Image
Image
Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Hay'adda Nabad Sugidda Jubbaland, ayaa shalay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, kusoo bandhigtay rag la sheegay inay kasoo goosteen Al-Shabaab, islamarkaana isku soo dhiibay maamulka Axmed Madoobe.

Saraakiisha Nabad Sugida iyo Sirdoonka Jubbaland waxay sheegeen in Xubnahaan oo gaaraya 12 ay isa-soo dhiibistooda ka dambeysay markii xiriiro la soo sameeyeen Saraakiisha Ciidamada Jubbaland.

"Ragaan waa kuwa Al-Shabaab uga dagaalamayey Baar-sanguuni iyo Cabdalla Biroole," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Hay'adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka maamulka Jubbaland.

Ma jiro war kasoo baxay Kooxda Al-Shabaab oo ku saabsan inay jiraan Rag iyaga ka tirsan, oo kasoo goostay, islamarkaana isku dhiibay Jubbaland, oo dagaal ay ku jirto.

Hasa yeeshee, maalmihii udambeeyay ciidamadda xooga ee ku sugan deegaanada Jubbaland, oo ka garab ka helaya kuwa Daraawiisha, iyo ciidamo AMISOM iyo Mareykan ah ayaa dhaqdhaqaqyo ka waday halkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka jawaabay go'aanka Midowga Yurub ee xayiraadda Fiisaha ee la saarey Soomaaliya

Midowga Yurub ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay kasoo bixi waysay wadashaqeyntii ay ka rabeen.

  • Soomaliya

    26-06-2026

  • 06:27AM

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM