Xubno katirsan Al-Shabaab oo lasoo taagey Maxkamad Ciidan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Saddex ruux oo la sheegay inay katirsan yihiin Al-Shabaab, islamarkaana lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen Qaraxii ka dhacay Hotel-ka Naasahablood [2] 28-kii Oktoobar 2017 ayaa shalay maxkamad kasoo hor-muuqday.

Ragaan oo lagu kala magacaabo; Farxaan Maxammed Samatar, Cabdinaasir Dhaqane Xasan iyo Abshir Maxamed Xaaji Buule, ayaa waxaa la qabtay iyagoo kasoo baxaya Gudaha Hoteel-ka, kahor inta aysan dad kusoo laynin gudaha.

Xafiiska Xeer-illaalinta guud ee Qaranka ayaa kusoo eedeeyay Ragaan inay ka dambeeyeen weerarkaas oo ku bilowday Qarax Baabuur ayna xigeen Rag hubeysan oo gudaha u galay kuwaasi oo toogasho ka geystay gudaha Hoteel-ka.

Weerarkan waxaa ku geeriyootay inta la xaqiijiyay 17 qof oo ay ku jireen, Wasiir Madoobe Nuunow, Siyaasiyiin, Caruur, Haween iyo xubno kale, iyadoo dhaawacu uu gaarayo 40 qof, sida ay shaacisay Wasaarada Amniga ee xukuumada Soomaaliya.

Dac-wad-oogayaal ka tirsan Maxkamada Darajada koowaad ee ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliya, oo soo eedeeyay ragaan waxay sheegeen mid walba oo iyaga kamid ah uu qirtay inuu yahay xubin Shabaab ka tirsan, weerarkaas ay iyaga fuliyeen.

“Dhamaantooda waxay qirteen markii ciidamada amaanku ku qabteen banaanka ay usoo baxeen inay ka dhamaatay Rasaasta, sidaas darteedna doonayeen inay ka baxsadaan goobta,” waxaa sidaas ka sheegay maxkamada dac-wad-oogayaasha.

Wajiga koowaad ee dhageysiga kiiskaan oo dhacday shalay oo Khamiis ahayd, ayna kasoo qeyb-galeen dad badan ayaa waxaa loo balamay xukunkooda waqti kale, inkastoo Qareenada difaacayey saddexda eedeysane cod-sadeen in la cafiyo.

“Maadaama ay qirteen dembiga, ayna sheegeen in lagu qalday waxa ay sameeyeen, maxkamada waxaan ka codsan lahayn in loo naxariisto, lana cafiyo,” ayey ku doodeen Qareenadii difaaceysay Eedaysaniyaasha.

Al-Shabaab oo sheegatay weerarka oo dhacay Todoba maalin kadib weerarkii 21-ka Oktoobar ee Igoyska Zoobe ayaa sheegtay inay ku dishay mas’uuliyiin ka tirsanaa dowladda Soomaaliya, Maamulka Koofur Galbeed iyo kuwo kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM