Xukun adag oo lagu riday Ninkii dilalka u duubi jiray Daacish

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamadda Darajadda koowaad ee ciidamadda Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukun Xabsi daa’in ah ku riday Jaamac Xuseen Xasan Nuuni, oo lagu helay dembi ah inuu ahaa filim qaadihii kooxda Daacish.

Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada 1aad, Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute, ayaa ku dhawaaqay xukunka, isagoo shaaciyay in Nuuni uu qirtay Dambiyadii lagu soo oogay.

Wuxuu xusay Shuute in Eedaysanaha sidoo kale lagu soo oogay Dambi ah inuu xubin buuxda ka ahaa kooxda Daacish, gaara ahaan Faraca Soomaaliya oo degaanadda Puntland ay ku leh Saldhigyo, uuna kasoo howlgalay meelo badan oo dalka kamid ah.

“Kadib markii maxkamaddu u cadaatay Dambiga lagu soo eeeyay Dambiilaha, oo ay eegtay dooda dacwad oogayaasha, iyo xafiiska xeer-illaalinta waxay ku xukuntay Jaamac Xabsi daa’in,” ayuu yiri Shuute.

Gudoomiyaha Maxkamadda ciidamada Qalabsida ee Soomaaliya ayaa wuxuu xusay in cidii aan ku qanacsaneen xukunka uu ufuran yahay inay Racfaan ay ka qaataan inta aanan loo gudbin Jaamac Xabsiga dhexe ee Muqdisho.

Waa markii ugu horeysay oo Maxkamadda ciidamada Qalabsida ee Soomaaliya oo xukun ay ku riddo shaqsi loo haysto inuu ka tirsan yahay Daacish inta la ogyahay, inkasta oo horey ay uxukumi jirtay Dad ku eedaysan Al-Shabaabnimo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM