Xukuno lagu riday rag lagu eedeeyay qarax ka dhacay Muqdisho

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamadda Ciidamadda Soomaaliya ayaa Khamiista maanta ah waxay xukuno kala duwan ku ridday saddex rag oo lagu soo eedeeyay qarax bishii November sanadkii hore ka dhacay Muqdisho.

Xasan Cali Macalin Barre [Xasan Boy] ayaa garka loo geliyay dil toogasho. Bare waxaa si gaar ah loogu eedeeyay in uu naqshadeeyay weerarka uuna gaariga soo miidaamiyey.

Sayid Cali Aadan Nuur ayaa lagu riday xukun xabsi daa'in ah. Nuur wuxuu wajahayey dacwad la xiriirta in uu ahaa wadada gaariga qarxay isla markaana uu qarxiyey markii la qabtay.

Muxudiin Maxamed Axmed ayaa xorriyadiisa loo celiyay markii lagu waayey wax dambi ah. Axmed waxay saaxiibo ahaayeen shaqsiyaadkan, balse door kula lahayn weerarkaasi.

Dacwad oogeyaasha oo xukunnka soo jeediyay ayaa waxay sheegeen in raggan ay iska dhigeen kuwa isticmaala maandooriye ayna la baxeen magacyo cusub si aanan looga shakin.

Ku dhowaad 15 ruux oo ay ku jiraan wiil iyo hooyadii ayaa ku naf-waayey dhacdadaasi oo ay dusha saaratay kooxda gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacida ee AlShabaab.

Qaraxa ayaa waxa uu ka dhacay xaafadda Koowa Kodey ee Muqdisho, gaar ahaan goob mashquul badan oo ay ku yaaliin mehrado ganacsi. Dadka dhintay badankooda waa shacab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM