Madaxda maamulada oo "ku jira xubnaha ay xukuumadda u goodisay"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasiirka Warfaafinta xukuumada federaalka ah ayaa wuxuu xaqiijiyey in hogaamiyeyaasha maamuladda qaarkood ay ku jiraan siyaasiyiinta ay dhowaan dowladda u cagajugleysay.

Isaga oo ka qeybgalayey barnaamijka todobaadlaha ah ee Faaqidaada kana baxa laanta Af-Soomaaliga ee VOA-da ayuu Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ka gaabsadey in uu magac dhabo madaxdda loo goodiyey.

Balse waxa uu mar kale ku celiyey in dowladda ay "talaabo dastuuri ah ka qaadi doonto cid kasta oo qaada talaabooyin ka horimaanaya danaha lama taabtaanta ah isla markaana wiiqeysa qaranimadda Soomaaliya".

"Dowlad ahaan intaasi ayaan jecel-nahay in aan sheegno. Magacyadda iyo cida ay yihiin warbaahinta ayaa laga rabaa in ay baaraan oo ay soo bandhigaan," ayuu Maareeye ku daray hadalkiisa.

Sharaxaadan uu bixiyey wasiirka ayaa weji cusub u yeeleysa khilaafka dowladda kala dhaxeeya maamuladda qaarkood si gaar ah Galmudug iyo Jubbaland oo madaxdooda ay dhowaan tageen Kenya.

Is-mariwaaga labada dhinac ayaa wuxuu salka ku hayaa doorashada la filayo in ay dhowaan ka qabsoonto labadaasi maamul oo la sheegayo in Villa Soomaaliya ay xusul-duub ugu jirto in ay kusoo saarto siyaasi daacad u ah.

Digniintan ayaa kusoo aadeysa xili qaar kamida hogaanka dowlad goboleedyadda Jubbaland, Galmudug iyo xubno mucaarad ah lagu eedeynayo in xiisada badda ay Kenya la safteen.

Qadiyadda badda ayaa lagu wadaa in ay bilooyinka soo aadan warbixin ay kasoo saarto Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ee ICJ taasi oo si weyn isha loogu hayo.

Saxaafada Kenya ayaa horey u baahisay in ay dowladoodu diyaarisay liis siyaasiyiin ah kuwaasi oo ay dalkeeda ka mamnuucdey uuna kamid yahay Taliyaha Sirdoonka Soomaaliya, Fahad Yaasiin Daahir.

Dadka falanqeeye siyaasada ayaa go'aanka cusub oo ay ku dhawaaqday xukuumada Muqdisho ku sifeeyay "bilow cadaadis oo ay dhankeeda bilowday kadib falalka Kenya".

Geesta kale, Mr Maareeye oo wax laga waydiiyey mowqifka dowladda ee doorashada Galmudug ee bisha Julaayo ayaa hoosta ka xariiqay in xukuumada ay dooneyso in coddeyn qabsoonto aysana la laaban doonin.

"Xukuumad ahaan waxaanu dooneynaa in laga fogaado muddo kororsi. Hadii ay dhaceysana waa in dadka reer Mudug ay go’aan ka garaan," ayuu hadalkiisa dab dhigay Xildhibaankan ka tirsan Golaha Shacabka.

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa lagu dhaliilayaa in qadiyadda badda ay u adeegsaneyso "hub siyaasadeed" oo ay ku beegsaneyso shaqsiyaadka ka aragtida duwan ee khaladaadka xukuumada soo bandhiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muxuu Trump u diiday inuu lacag ku bixiyo howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya?

Howlgalka ATMIS oo la filayo inuu gebi ahaanba baxo dabayaaqada sannadkan ayaa weli ku leeyahay mushaarooyin iyo gunnooyin gaaraya ilaa $100 milyan.

  • Soomaliya

    10-05-2025

  • 05:31PM

Firdhiye oo Xasan Sheekh la wadaagay Warbixin ku saabsan Xaaladda SSC-Khaatumo

Firdhiye ayaa uga mahadceliyay sidoo kale Xasan Sheekh casuumaadda uu usoo diray ee ka qeybgalka Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran.

  • Soomaliya

    10-05-2025

  • 04:15PM