Xukuumada oo mas’uul xilka uga qaadey xisbi uu kamid noqday

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasiirka Boostada xukuumada Soomaaliya ayaa lagu waramayaa in uu shaqadii ka eryay xubin ka tirsanaa guddiga madaxa banaan ee Is-gaarsiinta qaranka.

Cali Ibraahim [Cali Shaami] ayaa la sheegayaa in uu xilkiisa ku waayey markii uu kasoo muuqday liiska xubnaha xisbi siyaasadeed oo kamida kuwa mucaaradka ah.

Radio Kulmiye, idaacad maxali ah oo Muqdisho ka jirta oo sheegtay in ay heshay warqada xilka qaadista, ayaa tabisay in uu ku saxiixanayaa Wasiirka Boostada Eng Cabdi Xasan Canshuur.

Raadiyaha ayaa maanta oo Sabti ah wuxuu tabiyey in xisbiga uu kamid noqday Shaami uu yahay HORUSOCOD, kaasi oo la warinayo in uu isaga diiwaan geliyey.

Mas'uulka la sheegay in la eryay illaa iyo haatan kama uusan hadlin talaabadani wallow warsidaha Garowe Online isku dayey haddana ma aysan suurtogelin.

Guddiga Madaxa Banaan ee Is-gaarsiinta dalka ayaa waxaa ka taagan khilaaf badan iyadda ay kasoo horjeesteen qaar kamid ah maamulada iyo hay'addaha Is-gaarsiineed ee dalka.

Talaabadani ayaa imaaneysa iyadda oo mudada xileedka xukuumada ay ka harsan tahay sanad iyo bilooyin isla markaana hogaanka dalka uu isku diyaarinayo sidii uu kursiga u difaacan lahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo warka soo saartay Xaaladda Soomaaliya

Goluhu wuxuu ansixiyey Siyaasadda daboolida kharashaadka Adeegyada Caafimaadka - oo Golaha ay usoo gudbisay Wasaraadda Caafimaadka.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 11:58AM

Villa Somalia oo go'aan ka gaartay qofka noqonaya Madaxweynaha xiga ee Koonfur Galbeed

Heshiiskan cusub ayaa loo arkaa mid si weyn u beddeli doona jihada siyaasadeed iyo nabadgelyo ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 05:04AM