Xukuumada oo shaacisay maalinta ay qabsoomeyso doorashada Galmudug

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, oo war cusub kasoo saartay doorashadda Jubbaland ayaa ku dhawaaqday taariikhda ay sida rasmiga ah u qabsoomeyso doorashada Galmudug.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda oo ku taariikheysan 24-ka bisha June uuna arkay Garowe Online ayaa lagu shaaciyey in caddeynta ay dhaceyso 4-ta bisha July ee 2019 kuna beegan maalin Talaado ah.

"Waxaan ku boorineynaa dowlad goboleedka Galmudug iyo bulshadda in ay ka qeybgalaan doorashadda," ayaa lagu yiri bayaanka oo uu ku saxiixan Wasiir Cabdi Maxamed Sabriye.

Warkan qoraalka ah ayaa imaanayaa saacado kadib markii madaxweyne Axmed Ducaale Geele [Xaaf] uu shaaciyey in uu aqbalay dalabkii xukuumada ee doorashada kadib markii uu la heshiiyey.

Xaaf ayaa sidoo kale ic-laamiyey in uu burburay heshiiskii midowga Ahlu Sunna iyo Galmudug si lamid ahna go’aan laga gaarayo astaanta iyo dastuurka uu haatan leeyahay maamulkani.

Balse illaa iyo haatan Xaaf kama uusan jawaabin waqtiga ay wasaaradu shaacisay in ay doorashadda qabsoomeyso.

Arrimahaan oo dhan waxay dhacayaan ka gedaal markii wasiirka arrimaha gudaha federaalka uu muddo laba maalmood ah ku sugnaa Dhuusamareeb oo ay ka taagneen xaalad cakiran oo mudo-xileedka Xaaf ku aadan.

WAR-SAXAAFADEEDKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo furay Kal-fadhigga 58-aad ee Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid.

  • Soomaliya

    15-06-2026

  • 11:46AM

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM