Xukuumada Soomaaliya oo shaacisay heshiis ay la gaartey ganacsatada

Image
Kulankan ayaa ka dhacay xarunta Hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee magaalada Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan caawa la qaatay xubno ka tirsan ganacsatada Soomaaliyeed, iyada oo kulanka diiradda lagu saarayey canshuurta gadista oo ay horey u qaadi jirtay dowladda, balse hadda lagu sameeyay casriyeyn iyo dib-u-habeyn.

Wadahadalladan ayaa la xiriiray sidii loo waafajin lahaa canshuuraha la casriyeeyay baahiyaha iyo xaaladaha kala duwan ee ganacsatada, iyadoo la tixgelinayo tabashooyinka ganacsatadu soo jeediyeen, isla markaana ay Xukuumaddu ballanqaadday in ay wax ka qaban doonto.

Wasiirka Maaliyadda Iimaan Biixi Cige oo ka warbixiyey kulankii uu caawa Ra’iisul Wasaaraha XJFS Xamsa Cabdi Barre la yeeshay ganacsatada, ayaa sheegay in lagu heshiiyay tabashooyinkii ay soo jeediyeen ganacsatadu in dowladdu ay si deg deg ah u xaliso, iyaguna ay diyaar u yihiin bixinta canshuurta iibka ee saaran.

Kulankan ayaa yimid markii Ganacsatada gobolka Banaadir ayaa ku dhawaaqdey in maanta ay albaabada u laabi doonan xarumahooda sababo ku aadan in ay ka gadoodsan yihiin canshuurta ay soo rogtay Dowladda federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, shirkan ayaa kusoo beegmay Shirkada Hormuud ee xarunteedu tahay Muqdisho ayaa fariintan la wadaagtay macaamiisheeda waxyar kadib hadaljeedintii madaxwayne Xasan Sheekh ku sheegay in lacagaha canshuurta laga jarayo kaliya shirkadaha ganacsiga ee isticmaala adeegga merchant.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hantidhowrka Guud oo beeniyay warbixin la xiriirtay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka ayaa warbixin uu soo saaray dhawaan ku eedeeyay qaar kamid ah xafiisyada dowladda musuq-maasuq.

  • Soomaliya

    18-08-2026

  • 08:15PM

Saxiimad lagu burburiyey meel u dhow xeebaha Eyl—afar qof oo la sheegay inay dhinteen

Wararka qaarkood waxay sheegayaan in saxiimaddu ku sii jeedday markabka MV Sward…

  • Soomaliya

    18-08-2026

  • 04:16PM