Xukuumada Soomaaliya oo shaacisay mowqifkeeda buuraleyda Golan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Soomaaliya ayaa mowqif cad ka qaadatay xiisadda dib u soo cusboonaatay ee ku aadan buuraleyda Golan.

Hadal-heynta buuraleyda Golan ayaa dib u qabsatay warbaahinta markii Madaxwayne Donald Trump uu u sharciiyay Yahuuda.

Dhaleecayn culus ayuu hogaamiyaha Mareykanka ku muteystay arrintaasi, isaga oo lagu eedeeyay in dhiirogelinayo colaad.

Israa'iil ayaa buuraha Golan kaga qabsatay Suuriya dagaalkii Carabta ee dhacay sanadku markuu ahaa 1948-dii.

Tan xilligaasi caalamka ayaa sanad kasta ku tartarsiiya Yahuuda in ay ka baxdo dhulkaasi, ayna dib ugu celiso Suuriya.

Todobaadkaan, gollaha xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay oo kulan ku yeeshay Geneva ayaa mar kale cambaareeyay Israa'iil.

Hasayeeshee, Soomaaliya ayaa la kulantay dhaleeceyn markii safiirka u fadhiya xarunta Switzerland ka aamustay qaraarkaasi.

Xukuumada Muqdisho ayaa sababtaasi darteeda ugu yeertay danjire Faadumo Cabdullaahi Maxamuud, oo loo qabtay taban casho.

War-saxaafadeed ku taariikheysan 26-ka Maaj, oo kasoo baxay wasaarada arrimaha dibada xukuumada federaalka ah, ayaa lagu sheegay buuraha Golan ay yihiin dhul ay Suuriya leedahay oo ay qabsatay Israa’iil.

Ugu dambeyntii, dowlada Soomaaliya ayaa dalbatay in loo hogaansamo qaraarka soo baxay sanada kala ah; 1967 iyo 1981 oo dhigaya in buuraha Golan ay Suuriya leedahay.

HOOS KA AKHRISO BAYAANKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kulamadii Gollaha Shacabka oo Dib u Bilaabmay Kadib Maalmo Ismari-waa ah

In kasta oo khilaafkaasi weli uu saamayn leeyahay, haddana dib u bilaabashada kulamada baarlamaanka.

  • Soomaliya

    05-05-2025

  • 02:00PM

Lugatoor: Beesha caalamka hal dollar kuma bixin dagaalka Puntland kula jirto ISIS

Waxa uu sidoo kale ammaanay kaalinta Soomaalida qurbaha, kuwaasoo uu sheegay inay bixiyeen malaayiin dollar si ay u taageeraan dagaalka.

  • Soomaliya

    05-05-2025

  • 01:46PM