Xukuumadda federaalka oo codsi u dirtay ganacsatada Soomaaliyeed

Image
Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa hadalkan ka sheegay xiritaanka Shirka Sanadlaha ah ee Midowga Bangiyada dalka.

MUQDISHO, Soomaaliya – Kusimaha Ra’iisal Wasaaraha ahna Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta soo xiray Shirka Sanadlaha ah ee Midowga Bangiyada dalka oo shalay ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirka sanadkan oo lagu falanqeeyay mowduuca muhiimka ah ee “Furida Sohdimaha Curdunka ah ee Maaliyadda Soomaaliya,” ayaa inta uu socday lagu soo bandhigay cilmi-baarisyo muhiim ah oo ku saabsan horumarka bangiyada dalka, fursadaha kobcinta dhaqaalaha, iyo caqabadaha horyaalla nidaamka maaliyadeed.

Sidoo kale, shirka ayaa diiradda lagu saaray horumarinta dhaqaalaha, kobcinta kaabayaasha dhaqaale ee dalka, iyo wada shaqeynta dowladda iyo ganacsatada bangiyada, iyadoo la raadinayo xalal lagu sii xoojin karo nidaamka maaliyadeed ee Soomaaliya.

Saalax Axmed Jaamac ayaa khudbadiisa ku bogaadiyay bangiyada dalka, isagoo ku ammaanay doorka muhiimka ah ee ay ka ciyaareen adeegyadooda shaqo iyo fursadaha ay siiyeen shacabka Soomaaliyeed. Wuxuu carabka ku adkeeyay in dowladda Soomaaliya ay guulo waaweyn ka gaartay horumarinta nidaamka maaliyadeed ee dalka, taas oo ka dhalatay wada shaqeyn dhow oo dhex martay dowladda iyo ganacsatada.

Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka ayaa intaa ku daray in dowladda ay sii laba jibaarayso taageerada iyo wada shaqeynta bangiyada dalka si loo hormariyo dhaqaalaha iyo hannaanka maaliyadeed ee Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Janan oo ku eedeysan dembiyo culus oo DF u xil-saartey fulinta qorshaheeda Gedo

Gedo ayaa ah barta khilaafka, waxaana dowladda federaalku u aragtaa meel istaraatiiji ah oo lagama maarmaan u ah hirgelinta ajandaha siyaasadeed ee Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 08:06PM

Al-Shabaab oo Ku Guuleystay Dib U Qabsashada Deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay si isdaba joog ah u wadaysay olole dagaal oo ay ku doonayaan.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 07:53AM