Xukuumadda Federaalka oo hakisay duulimaadyadda Kismaayo

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Hay'adda maamulka duulimaadka rayidka Soomaaliya ayaa Isniinta maanta ah ku dhawaaqday in ay hakisay dhamaan duulimaadydda tooska ah ee Kismaayo, caasimada ku meelgaarka Jubbaland.

Go'aankan ayaa kusoo beegmaya iyadda oo Axadii madaarka caalamiga ah ee Muqdisho looga hor-istaagay Sheekh Shariif Axmed, madaxweynihii 7aad ee dalka, in uu u socdaalo magaaladaas dekada leh.

Sidda laga soo xigtay war-qoraal ah oo hay’adda kasoo baxay oo loo diray warbaahinta iyo shirkadaha ayaa waxaa lagu shaaciyey in go’aanka cusub uu shaqeyn doono saddexda maalmood ee soo aadan.

Hogaamiyaha xisbiga Himilo Qaran oo la socday diyaaradda Turkish Airlines maadaama uu Turkigu ka yimid ayaa kamid ah martida ka qeybgaleysa caleema saarka Axmed Madoobe oo 26-ka bishan qabsoomeysa.

Xisbiga siyaasi Sheekh Shariif ayaa wuxuu ku tilmaamay talaabadda xukuumadda "mid xadgudub ku ah sharafta bini'aadamka iyo dastuurka ku meel gaarka ee dalka u yaala".

Maamuladda Puntland iyo Jubbaland oo cambaareeyay is-hortaaga Shariif ayaa ku sifeeyay "ku tagrifal awoodeed" waxayna Villa Soomaaliya ku booriyeen in ay joojiso "xadgudubka".

Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweynihii 8aad ee dalka, ayaa wuxuu ku eedeeyay dowladda in ay "maamulka hawadda dalka u adeegsaneyso hub-siyaasadeed" isaga oo ka digay "xasilooni darro ka dhalata".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyihii Hore ee Asluubta Soomaaliya oo Hanjabaad u Diray Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Mahad Shub ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada iyo diyaaradaha la geeyay Baydhabo aysan ka hor istaagi doonin qorshayaashiisa.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 05:10PM

Mas’uuliyiinta ugu sarreysa amniga Soomaaliya oo ka maqan shirka Kampala

Maqnaanshaha hoggaanka sare ee amniga Soomaaliya ayaa su’aalo ka dhex abuuray qaar ka mid ah dadka indha-indheeya arrimaha gobolka.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 01:58PM