Xukuumadda oo guddi u magacowday Aaska marxuum Yariisow

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudan Xasan Cali Khayre ayaa magacaabay guddi ka kooban golaha wasiirrada oo ka shaqeynaya aaska guddoomiyihii gobalka Banaadir, Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) oo ku geeriyooday Isbitaal kuyaala magaalada Dooxa ee dalka Qatar.

Guddoomiyaha Guddiga Qaban-qaabada Aaska Qaran, ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), oo ku hadlaya magaca Ra’iisul Wasaaraha iyo madaxweynaha ayaa ugu horreyn tacsi u diray ehelka uu ka baxay iyo dhammaan ummaadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa sheegay in madaxweyne Maxamamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) uu amray in mudda sedax maalin ah calanka dalka hoos loo dhigo si baroor diiq iyo duco loogu sameeyo guddoomiyihii gobolka Banaadir, Marxuum Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow)

Warbaahinta qarankana ayaa iyana laga joojiyay barnaamijyadii caadiga ahaa lagaba billaabay in Qur’aan laga baahinayo arrintaas oo baroor diiqda qayb ka ah.

Guddiga Qaban-qaabada Aaska Qaran, ayaa ka shaqeynaya aaska qaran ee loo sameynayo Allaha u naxariistee guddoomiyihii gobalka Banaadir, Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Isbitaal ku yaala Dooxa ugu geeriyooday dhaawac kasoo gaaray weerarkii Argagaxiso ee ka dhacay xarunta dowladda hoose ee Xamar.

Hoos ka akhriso magacyadda xubnaha guddiga

OPMSomali

Related Articles

Soomaaliya : Garaad Jaamac iyo Suldaan Siciid oo Si Kulul u Diidey Shirka Laascaanood

Garaad Jaamac Garaad Cali oo si toos ah ula hadlay shacabka ayaa sheegay in shirka….

  • Soomaliya

    12-07-2025

  • 02:00AM

Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Qaabilay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya

Sidoo kale, Dowladda Ingiriiska ayaa Dowladda Puntland ku wareejisay deeq isugu jirta daawooyin iyo agab caafimaad.

  • Soomaliya

    10-07-2025

  • 02:57PM