DFS oo mamnuucday duulimaadyadda tooska ah ee Kismaayo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xukuumada Soomaaliya ayaa ku amartay diyaaradaha tegaya Kismaayo, caasimada KMG Jubbaland in ay soo maraan madaarka Muqdisho, si loo hubiyo waxay sidaan.

Warkan oo si rasmi ah u soo baxay Khamiista maanta ah isla markaana mamnuucaya duulimaadyada tooska ah ee magaaladaas ayaa waxaa ku dhawaaqay Guddiga Saadaasha Hawada ee dalka.

Xiriirka u dhaxeeya labadda dhinac ayaa gaarey meeshii ugu hooseeyay kadib doorashadii dhowaan ka qabsoontay xarunta gobolka Jubadda Hoose.

Axmed Maxamed Islaam ayaa markii saddexaad dib loogu doortay ho’aanka dowlad goboleedkaasi kadib coddeyn lagu kala baxay wareegii koowaad oo uu ka helay 53 cod, wallow dowladdu qaadacday.

Wasiirka Duulista iyo Gaadiidka Hawada dalka, Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar, oo si kooban uga hadlay arrintan ayaa ku tilmaamay Kismaayo, illaa iyo amar dambe, "aag ka caagan in diyaaraduhu ku tageen si madax banaan".

Dhinaca kale, mas'uuliyiinta Jubbaland oo ka fal-celiyay go’aanka dowladda kuwaasi oo khadla telefoonka ugu waramay warbaahinta maxalga ah ee Muqdisho ayaa ku tilmaamay "mid siyaasadeysan".

Caadiyan, duulimaadyadda ka dega Kismaayo ayaa ka yimaada Nairobi, caasimada Kenya, dalkaasi oo xiisad diblumaasiyadeed ay kala dhaxeyso dowlada federaalka ah.

Arbacadii ayay ahayd markii maamulka Kismaayo uu ku dhawaaqay in uu "xayiraadii ka qaadey" Golaha Wasiiradda Soomaaliya, taasi oo lasoo rogay intii lagu guda jiray doorashaddii uu kusoo baxay Axmed Madoobe.

Isla shalay, Golaha Xukuumadda Jubbaland ayaa ku dhawaaqay in 26-ka bisha dambe ee September sanadkan 2019-ka ay qabsoomeyso xafladda caleema saarka madaxweynaha dib loo doortay ee maamulkaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM