Xukuumadda Soomaaliya oo ayiday baaq kasoo yeeray Axmed Madoobe

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxay ka jawaabtay hadal dhowaan kasoo yeeray madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe].

Axmed Ciise Cawad, wasiirka arrimaha dibadda, ayaa ka dhawaajiyay mowqifka Villa Soomaaliya xili uu ka warbixiyey kulan uu la yeeshay dhigiisa Kenya oo shalay ka dhacay Nairobi.

"Dowladda Kenya, iyagu way og-yihiin khilaafka waxa ka mas'uulka ah annaguna waan ognahay, waxaan kala hadalnay siddii looga dheeraan lahaa faragelin uu derisku isku sameeyo, deris wanaag iyo iskaashi looga wadashaqeyn lahaa oo aan loo abuurin colaad aan loo baaheyn," ayuu u sheegay VOA-da.

Cawad ayaa "maya" ku adkeystay markii la hor-dhigay su'aal ku saabsan in kulankii uu la yeeshay dhigiisa Kenya lagu soo qaadey arrinta Cabdirashiid Janan, wasiirka amniga Jubaland.

"Waxba kama jiraan," ayuu ku warceliyey markii la su'aalay eedeynta sheegeysa in xukuumadiisa ay ciidamaddii loo tababaray la dagaalanka Al-Shabaab u weecisay in ay kula dirirto maamulada.

Isagoo difaacaya aragtida dowladda Farmaajo ayuu raaciyey: "Soomaaliya ciidamadeedu looma sameyn in ay dadka Soomaaliyeed la dagaalamaan, waxaa loo sameeyay in ay xuduudka ilaaliyaan".

"Jubaland waxay kamid tahay Soomaaliya si xoriyad ah bey u dagaalami karaan…Jubaland iyo Soomaaliya waa [hal] dal iyo dad Soomaaliyeed oo is-leh weye…wixii Soomaali dhexdeeda soo mara Soomaali bey u taalaa," ayuu xusay.

Mar wax laga waydiiyey baaqii dhowaan kasoo yeeray madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, oo ahaa in miiska wadahadalka la isugu yimaado, wasiir Cawad ayaa soo dhaweeyay hadalkaas.

"Madaxweynaha, ra'iisul wasaaraha iyo madaxda Soomaaliyeed waxay arkaan in dadka Soomaaliyeed iyagu isfahmaan, ka tashadaan siddii qaranimadooda u dhisan lahaayeen ama u xoojin lahaayeen…marka in dadka Soomaaliyeed wadahadalo oo isu soo dhowaado waa mas'uuliyadda ugu weyn ee u taala madaxda qaranka Soomaaliyeed ee hadda joogta," ayuu tibaaxay, wallow uu ka gaabsaday in adeegsado magaca Jubaland.

Ugu dambeyntii, wasiirka ayaa beeniyey wararka sheegaya in ciidamada Kenya ay gudaha Soomaaliya ka bixi doonan 48-ka saacadood ee soo aadan, isagoo tilmaamay in ay ku joogaan "ogolaanshiyo".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM