Xukuumadda Soomaaliya oo iska difaacday eedeyntii Ahlu Sunna

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye, ayaa wuxuu ka jawaabay eedeyntii dowladda uga timid maamulka Ahlu Sunna.

War qoraal ah oo Talaadadii kasoo baxay ururkaasi ayaa ku eedeeyay xukuumadda federaalka in ay mas'uul ka tahay "burbur" ku yimid heshiis ay kala saxiixdeen labadda dhinac.

Heshiiska oo ka koobnaa tobban qodob ayna saxiixeen Sabriye iyo Sheekh Shaakir, Beesha Caalamkana si kooban loo mariyey ayaa waxaa qayb ka ahaa arrimo xasaasi ah.

Cabdi Sabriye oo qaybaha bulshadda kula hadlayey caasimadda Galmudug ayaa hogaanka Ahlu Sunna ku eedeeyay fashilka Axdigaasi, isaga oo ka difaacay Laanta Fulinta.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay in ay dowladdu ka go'an tahay in ay sii taabageliso heshiiskaasi, oo uusan sharaxaad kooban ka bixinin.

Eedeymaha ay isu jeedinayaa labadda dhinac oo mudooyinkii dambe aad u soo kordhayey ayaa imaanaya iyadda oo magaaladda Dhuusamareeb lagu wado inuu ka qabsoo shir.

Shirkaasi oo ah mid dib u heshiisiin loogu sameynayo bulshooyinka maamulkaasi ayaa qaabka loo sugayo amnigiisa waxay qayb ka yihiin qodobada keenay burburka heshiiska.

Ciidamo bileys ah oo si gaar ah u tababara kuwaasi oo ay xukuumadda u daabushay Dhuusamareeb iyaddana waxay kamid yihiin arrimaha soo dedejiyay in uu jabo heshiiska.

Wasiirka ayaa wuxuusan soo hadal-qaadin walaac ay Ahlu Sunna ka muujisay ciidamada, gadiidka iyo hubka ay dowladda geysaneyso xarunta Galgduud, wallow uu xusay in ay qayb ka tahay heshiiska.

Sikastaba, talaabooyinka xiga oo ay qaadi doonan labadda dhinac ah ayaa ah mid aanan laga soo horudhici karin, wallow Ahlu Sunna ay ku dhawaaqday "xaalad is-daaficid ah".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyihii Hore ee Asluubta Soomaaliya oo Hanjabaad u Diray Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Mahad Shub ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada iyo diyaaradaha la geeyay Baydhabo aysan ka hor istaagi doonin qorshayaashiisa.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 05:10PM

Mas’uuliyiinta ugu sarreysa amniga Soomaaliya oo ka maqan shirka Kampala

Maqnaanshaha hoggaanka sare ee amniga Soomaaliya ayaa su’aalo ka dhex abuuray qaar ka mid ah dadka indha-indheeya arrimaha gobolka.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 01:58PM