Xukuumadda Soomaaliya oo u hanjabtey Siyaasiyiin

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Wasiirka Warfaafinta, Maxamed Cabdi Xayir [Maareeye], ayaa digniin culus loogu diray siyaasiyiin aan magacyadooda la shaacin, oo lagu tilmaamay inay ka shaqeynayaan ficilo dhaawacaya qaranimada Soomaaliya.

Waxaa lagu sheegay qoraalka, in Xukuumadda ay qaadeyso tallaabooyin ay kula xisaabtameyso shaqsiyaad xilal haya iyo kuwa horey usoo qabtey, kuwaasoo inta badan ku dhaliila maamulka Farmaajo waxyaabaha uu ka gaabiyay iyo fulin la'aanta balamadii shacabka laga qaadey.

Waxay shaacisay Xukuumadda in tallaabooyin waafaqsan dastuurka iyo sharuucda kale ee dalka ay ka qaadeyso shaqsiyaadka garab siinaya cid walba oo damac kaga jiro xuduudaha dhuleed iyo kuwa badeed ee Soomaaliya.

Muran xooggan ayaa Kenya kala dhaxeeya Soomaaliya, kaasoo ku saleysan xuduuda badda, oo labada dal isku khilaafsan yihiin lahaanshaha xirmooyin shidaal oo ku jira badda u dhaxaysay.

Digniintan ayaa kusoo aadaysay xilli Nairobi ay shirar dhawaan ku yeesheen madax kamida kuwa maamul Goboleedyada dalka, sidoo kalena ay jiraan siyaasiyiin horey xilal usoo qabtey oo dhaliilo u jeediyay Villa Soomaaliya.

Mudadii labada sano ee Xukuumadda soo shaqeynaysa waxaa lagu eedeeyay inay ku guuldareysatay xal inay u hesho khilaafka siyaasadeed ee kala dhaxeeya maamullada Federaalka xubnaha ka ah, kaasoo wiiqaya horusocodka dalka iyo gaabis ka jira la dagaalanka Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo warka soo saartay Xaaladda Soomaaliya

Goluhu wuxuu ansixiyey Siyaasadda daboolida kharashaadka Adeegyada Caafimaadka - oo Golaha ay usoo gudbisay Wasaraadda Caafimaadka.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 11:58AM

Villa Somalia oo go'aan ka gaartay qofka noqonaya Madaxweynaha xiga ee Koonfur Galbeed

Heshiiskan cusub ayaa loo arkaa mid si weyn u beddeli doona jihada siyaasadeed iyo nabadgelyo ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 05:04AM