Xukuumadda Soomaaliya: Puntland waxaan u wareejinay $6.3 milyan

Image
Wasiir ku xigeenka Maaliyada Soomaaliya ayaa sheegay in lacagahan ay yihiin Kabka Miisaaniyada.

MUQDISHO, Soomaaliya - Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay inay khasnadda gaarka ahn ee dowladda Puntland ku shubtay adduun lacageed oo gaaraya $6,348,826 oo qayb ka ah kabka miisaaniyadda beesha caalamku siiso Soomaaliya.

Wasiir ku-xigeenka xukuumadda Soomaaliya Cabdiqafaar Xaange ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay in lacagtaasi caddaan ahaan loo gaarsiiyey Puntland kadib codsi kaga yimid madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.

"Waxaa xusid mudan in Madaxweynaha Puntland codsaday in lacagahaas caddaanka ( cash) toos loogu soo shubo islamatkaasna wuxuu hor-istaagay in la bilaabo dhammaan mashaariicdii horumarinta ee waxtarka ulahaa deegaanada Puntland oo garaaya boqollaal Milyan oo doolar," ayuu raaciyay.

Kabka miisaaniyaddu waa dhaqaale loogu talagalay in DFS iyo dowlad goboleedyada looga taageero bixinta mushaharaadka iyo dardargelinta adeegyada kale ee lagu fuliyo dakhliga dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM