Xus loo sameeyay ciidamada xoogga Somalia

Image

MUQDISHU- Waxaa maanta meelo badan oo dalka Somalia ka mid ah laga maamuusay maalinta ciidamada xoogga dalka Somalia oo ku beegan 12 April.

Magalada Muqdishu ayaa lagu sameeyay dabaal dag xooggan oo ka qayb galeen sarakiisha ciidamad difaaca dalka Somalia iyo xubno katirsan wasaaradda gaashaandhigga.

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamud iyo Ra'isal wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa diray hambalyo ku aadan maalintan iyo qiimaha ay leedahay, waxayna ciidanka ku ammaaneen doorkooda ku aadan difaaca iyo xasilinta waddanka.

Waxay sheegeen inay ciidanku yahay laf-dhabarta dowladnimada iyagoo sheegay inay taageero dhan walba ah la garab taaganyihiin halyeeyada dhiigooda iyo dhacaankooda u horay difaaca dalka.

12-ka April ee sanadkii 1960-kii ayay ahayd markii la aas aasay ciidanka xoogga dalka Somaliyeed, waxaana sannad walba xilligan oo kale la qabtaa dabaal dagyo xooggan oo lagu qiimaynayo maalinta ciidanka xoogga dalka .

GAROWEONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM