Yaa gadaal ka riixaya dhismaha Safaaradda Soomaaliya ee Zambia?

Image

LUSAKA - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gadaal ka riixeysa in dib loo furo Safaaradda dalku ku lahaa wadanka Zambia, taasoo tan iyo burburkii dalka aanan laga helayn adeegyadii looga fadhiyay.

Dhismaha Safaardda oo hadda uu ka muuqdo daal badan ayaa waxaa la filayaa in dhawaan boorka laga jafo, islamarkaana dib udayactir balaaran lagu sameeyo, sida ay sheegeen Jaaliyadda Soomaaliyeed.

Talaabadaan ayaa timid kadib markii dhawaan uu halkaas tagay Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, kaasoo la kulmay Jaaliyadda islamarkaana kala hadlay arrimo ku saabsan dhismaha safaarada.

Maxamuud Hiiraan oo ka mid ah madaxda jaaliyadda oo isagoo jooga magaalada Ndola u warramayey warbaahinta kadib kulanka ay la qaateen Khayre ayaa sheegay in lacagta lagu dhisayo dhismaha ay iyaga bixinayaa.

"Dhismaha safaaradda waxay ahayd hawl hore noogu qorshaysnayd ka jaaliyad ahaan, isla arrintii ayuuna nagu sii dhiirri galiyey, innaguna waan ka ballanqaadnay" ayuu yiri Maxamuud Maxamed Hiiraan oo ka mid ah madaxda jaaliyadda oo isagoo jooga magaalada Ndola u warramayey BBC.

"Qorshaha dhisitaanka wuu qorsheysnaa, waxaana dooneynay inaan kaliya kala hadalno madaxda Soomaaliyeed, isla arrintii ayuuna nagu sii dhiirri galiyey, innaguna waan ka ballanqaadnay," ayuu yiri.

Isagoo hadalkiisa sii wato ayaa wuxuu carabka ku dhuftay in waqti xaadirkaana aysan Safaarada iyo Qunsulyadda ke heli karin adeegyadii ay uga baahnaayeen, taasi ay ku dhalisay inay is-abaabulaan.

"Tan iyo 1965kii ayaan waddankan degganayn, waan ku tala galnay in aan hawshaas galno oo aan safaaradda dhisno, haddii dawladda ay nala galayso hawshaas dhismaha safaaraddana waan soo dhoweynaynaa" ayuu sii raaciyey.

Sikastaba, dadka Soomaaliyeed ee ku nool wadanka Zambia ayaa isugu jira Arday, Ganacsato iyo tiro yar oo Qaxooti ahaan ujooga, taasoo marka la barbar dhigo dalalka ku yaala Bariga Qaaradda Afrika ama guud ahaan gobolka iyo Geeska Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland iyo Somaliland oo is-dhaafsaday Maxaabiis Dagaal 

Wasiirku wuxuu ku tilmaamay is-weydaarsigan mid muhiim u ah dhismaha kalsoonida iyo xasilinta xiriirka labada dhinac.

  • Soomaliya

    30-04-2025

  • 09:36AM

Sheekh Aadan Madoobe oo lagu qasbay inuu Xildhibaan Abiib Kursigiisa u celiyo

Wasaarado katirsan Xukuumadda Xamse ayaa lagu soo waramayaa in warqadaha Abiib ay ku waayeen lacag badan iyo Mashaariic.

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 06:03PM