Yaa gadaal ka riixaya heshiiska wadaagga Kheyraadka Soomaaliya?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta Soomaaliya ayaa waxay hadda gacanta ku haysaa heshiiskii laga gaarey wadaagista kheyraadka dalka, intii uu socday shirkii Amniga qaranka ee kusoo dhamaaday Baydhabo.

Heshiiskaan ay wada gaareen madaxda maamul goboleedyadda iyo dowladda Federaalka waxaa gacan wayn ka geystay in leysku afagarto Bankiga Aduunka iyo hogaanka Golaha Iskaashiga Dowlad goboleedyadda, sida lagu qoray Bogga Africa Oil and Power.

Heshiiskaaan ayaa wuxuu soo socdo muddo saddex sano, iyadoona uu soo maray heerar kala duwan oo wada-tashiyo ah, kaasoo udhaxeeya dowlad goboleedyadda iyo madaxda dowladda Federaalka, ee talada dalka haysay mudadaas ay jirtay dowladda.

- Ujeedkooyinka laga leeyahay heshiiska -

>Si loo caddeeyo cidka iska leh maareynta iyo maamulka batroolka iyo khayraadka macdanta ee Soomaaliya.

>Si loo helo qaabeyn guud iyada oo loo marayo dawlad iyo dowlad-goboleedba, waxayna ka qayb qaadan karaan sahaminta iyo soo saarista kheyraadka.

>Si loo helo dakhli ka soo baxa sahaminta iyo soosaarka khayraadkaas.

>Si loo yareeyo sinnaan la'aanta dhaqaale ee u dhexeysa dowladaha xubinta ka ah dowlada federaalka Soomaaliya.

Cabdirashiid Maxamed Axmed, Wasiirka Batroolka iyo Macdanta xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in talaabada ay ku heshiiyeen madaxda ay qeyb ka tahay horumarka uu gaarayo dalka Soomaaliya, ayna wasaaradiisa horumuud noqon doonto.

Wuxuu balanqaaday in wasaaradiisa ay si dhow ula shaqeyn doonto dhigeeda wasaaradaha dowlad goboleedyadda ayna ka go'an tahay in si siman oo hufnaan ay ku jirto loo wadaago kheyraadka uu leeyahay dalka Soomaaliya.

"Wasaaradeyda iyo Guddi farsamo ayaa waxay ka shaqeynayaa hir-gelinta heshiiskaan. Sidoo kale, wax walba oo ku saabsan sahminta kheyraadka iyo bixinta ogolaanshaha waxaa leysku waafaqay inaan inaga bixino," ayuu hadalkiisa kusoo xiray.

Heshiiska laga gaarey wadaagista Kheyraadka dalka shirkii Amniga Qaranka ee 5-tii bishaan June ka dhacay Baydhabo ayaa waxaa saamiga ugu badan ku leh dowladda Soomaaliya, halka maamulada ugu kala badan yihiin sida uu kheyraadkoodu yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles