Yaasiin Farey: Agaasimihii hore ee NISA oo dalbadey "cafis guud"

Image
Intii uu hay'adda madax u ahaa, waxaa lagu eedeaeyay "gabood-falo siyaasadeed".

MUQDISHO, Soomaaliya - Yaasin Cabdullaahi Farey, agaasimihii hay'adda sirdoonka qaranka ee maamulkii Maxamed Cabdulalahi Farmaajo oo u waramay SMS Somali TV ayaa wuxuu dalbadey "cafis guud".

Farey oo horey u soo noqdey madaxa mukhaabaraadka ee gobolka Banaadir ayaa hadda ah xubin ka tirsan Galaha Shacabka baarlamaanka 11aad ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Intii uu madaxda ka ahaa hay'adda NISA, hay'adda ayaa lagu eedeeyay "gabood-falo siyaasadeed," sidda ay rumeysan yihiin mucaaradka haatan la wareegay taladda waddanka.

"Fal-dambiyeedyadaas" ayaa waxaa la sheegay in ay ugu tun-weyn yihiin dilalkii Ikraan Tahliil Faarax, Xildhibaanad Aamina iyo askarta sida qarsoodiga ah tababarka loogu diray Eritrea.

Kiiska Ikraan Tahliil ayuu sheegay "in ay aad u siyaasadeeyeen mucaaradka," isaga oo carabka ku adkeeyay "in xogta aan ka hayno ay tahay in ay ku baxdey gacanta Al-Shabaab".

"Beeninta Al-Shabaab waxay qeyb ka tahay dagaalka ay nagula jiraan. Ma jirto sabab gaar ah oo cid ka tirsan hay'adda ay u dhibaateyn karto Ikraan oo xubin firfircoon noo ahayd," ayuu ku adkeystay.

Nidaamka cusub ee haatan la wareegay talada dalka ayaa balanqaadey in uu soo celin doono askarta loo diray Eritrea kuwaasoo wadartooda lagu qiyaasay in ka badan 5,000.

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud oo qorshuhu yahay in la caleema-saaro Khamiista todobaadkan ayaa waxaa uu balanqaadey in aysan jiri doonin "cid loo beegsado taageerida taliskii hore".

Balse, wuxuu hoosta ka xariiqay in "dambi kasta oo dhacay shantii sano ee lasoo dhaafay loola tacaali doono qaab waafaqsan sharciga" balse "ay ka wanaagsan tahay in la is-cafiyo si horey loogu socdo".

Ugu dambeyn, Yaasiin Farey oo isku-difaacay in uu xeer-dejinta u galay la dirirka argagxisiada ayaa tibaaxay in ay diyaar u yihiin in ay wajahaan talaabo kasta oo maamulka haatan jira u qaado kiiska Ikraan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Xisbiga Xasan Sheekh

Dhaawaca ugu weyn ee soo gaaray xisbiga ayaa loo arkaa go’aanka uu qaatay xoghayihii xisbiga, Cabdiraaxmaan Odowaa.

  • Soomaliya

    23-03-2026

  • 09:27AM

Dowladda Federaalka oo Shaacisay inuu Idlaaday Muddo-xileedka Hoggaanka Koonfur Galbeed

Ilaa hadda, madaxtooyada Koonfur Galbeed kama soo bixin jawaab rasmi ah oo ku saabsan shaacinta firaaqda xafiiska.

  • Soomaliya

    22-03-2026

  • 09:36PM