Yamamoto: Nabad kama jireyso Geeska Africa hadii aaney Somalia Nabad ahayn

Image

MUQDISHO, Somalia - Safiirka Mareykanka ee Somalia, Donald Yamamoto ayaa markii ugu horeysay kasoo muuqday meel fagaare ah tan iyo markii uu yimid magaaladda Muqdisho bishii November, ee sanadkii 2018.

Yamamoto ayaa ka hadlay arrimaha horumarka iyo nabada Somalia, isagoo sheegay in Mareykanka uu taageero siiyo dowladda Federaalka ah, islamarkaana uu kala shaqeyn doono sidii looga cafin lahaa deymaha lacageed ee caalamka looga leeyahay.

Safiirka ayaa xusay inuu yahay shaqsi mudo 20 sano kasoo shaqeeyay meelo kala duwan oo kamida dalka, waxaana uu tilmaamay in Somalia nabadeeda ay muhiim u yahay gobolka Geeska Africa.

"Horumar iyo nabad kama jireyso Geeska Africa, hadii aaney Somalia nabad aheyn, oo aaney horumarsaneyn," ayuu yiri Safiirka Mareykanka, Donald Yamamoto.

Sidoo kale, Safiirka ayaa daboolka ka qaadey in hay'adda USAID ay taageerto ganacsato iyo beeralay Soomaaliyeed, oo ka caawisay inay horumariyaan ganacsigooda iyo wax soo saarka dalka.

Mareykanka ayaa 2017 joojiyay taageero uu siin jiray ciidamada militeriga Somalia, kadib markii sida uu sheegay musuq-maasuq lagu sameeyay shidaalkii iyo cuntadii ay ugu deeqeen cutubto kamida ciidanka xoogga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Jubaland oo abaal-marin guddoonsiiyay Ciidamada Mareykanka 

Booqashadan ayaa imaneysa iyadoo ay weli taagan tahay xiisad siyaasadeed oo u dhaxaysa maamulka Jubaland.

  • Soomaliya

    08-07-2025

  • 08:59AM

Dagaal culus iyo qaraxyo gaadiid ah kadib Al-Shabaab oo la wareegtay Moqokori

Waa degmadii labaad oo dowladda laga saarey tan iyo horaantii sanadkan, taasoo dhabar-jab ku ah maamulka Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    07-07-2025

  • 01:23PM