​Yusuf Garaad oo loo magacaabay safiirka Somaliya ee QM

Image

MUQDISHU- Dowladda Federalka Soomaliya ayaa madaxii hore ee laanta Afka Soomaliga BBC Yuusuf Garaad Cumar, u magacowday Madaxa joogtada ah ee Ergada Soomaaliya u joogi doonta xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York dalka Maraykanka.

Yusuf Garaad ayaa muddooyinkii dambe ku sugnaa magalada Muqdishu, wuxuuna ahaa lataliye dhanka warbaahinta ee madaxweynaha dalka Soomaliya Xasan Sheekh Maxamud.

Wuxuu sidoo kale sannadkii 2012 isu soo taagay madaxweynaha dalka Soomaaliya, xilligaasi oo la doortay Xassan Sheekh.

Safiirkan cusub ayaa badali doono Cilmi Ducaale, oo muddo kabadan 10 sano xilkaasi hayay.

Magacaabistan ayaa lagusoo beegay xilli dalka Soomaaliya ka socdo loollan xooggan oo loogu jiro hogaanka sare maadaama doorashada madaxtinimo ee waddanka dhici doonto dabayaaqada sannadkan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM