Soomaaliya: Yuusuf Garaad oo Mowqifka DF khilaafay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Yuusuf Garaad Cumar ayaa hareermaray Mowqifka Xukuumadda ay ka soo saartay xariga Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayuu kaga tacsiyadeeyay lixdii qof ee lagu dilay howlgalkii xalay lagu soo qabtay Cabdiraxmaan Cabdishkuur, isagoo beesha siyaasigana ugu diray baaq gaar ah.

"Waxaan leeyahay Allah ha u naxariisto, qoyskooda iyo ehelkoodana samir iyo iimaan Allah haka siiyo," ayuu ku yiri Yuusuf qoraalka Facebook-giisa.

Wuxuu muujiyay inuu aad uga xun yahay wiilashii ilaalada u ahaa Cabdiraxmaan Cabdishakuur ee ku baxay gacanta dowladda Federaalka Soomaaliya, ee isaga uu wasiirka arrimaha dibadda ka yahay.

Yuusuf Garaad, oo la hadlayay beelaha ay kasoo jeedaan dhalinyarada ay ciidamda NISA dileen ayaa yiri: Waxaan Ehelka wiilasha, ehelka Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo dadweynaha Muqdisho ee howgalkii xalay uu toos ama si dadban u sameeyay ugu baaqayaa deganaansho."

"Dhib iyo Gef kasta oo la tirsanayo waxaan ku baaqayaa in xalkooda lagu doono dariiq sharciga waafaqsan," ayuu hadalkiisa raaciyay Yuusuf Garaad, oo ay isku heeb yihiin Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo wiilasha ku dhintay howlgalka NISA.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaanan ka tacsiyadeyn dadkii isagu jiray askarta iyo shacabka ee ku dhintay weerarkii ciidamadeeda ku qaadeen Guriga uu Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu ka degan yahay Muqdisho.

Waxaa isku beel kasoo jeeda Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya iyo siyaasi Cabdiraxman Cabdishakuur oo ciidamada NISA xabsiga u taxaabeen kadib markii gurigiisa la weerarey saqdii dhexe ee habeenkii Isniinta, 18-ka Dec, 2017.

GAROWE ONLINE 

 

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM