Abiy oo "ku cadaadinaya" Somaliland in uu Farmaajo ka dego Hargeysa

Image

HARGEYS, Somaliland – Ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa Axada maanta ah lagu waramay in uu ku cadaadinayo Somaliland in isaga iyo madaxweyne Farmaajo ay ka degaan Hargeysa.

Saleebaan Maxamuud Aadan, afhayeenka golaha guurtida Somaliland, ayaa si furan uga dhawaajiyey warkaan xasaanada leh.

Isagoo ka hadlayey fadhiga mudaneyaasha, Saleebaan ayaa sheegay in mar sii horeysay ay ganafka ku dhufteen dalabkaas.

Balse wuxuu daaha ka rogay in mar kale uu Abiy Axmed soo bandhigay codsigaas, wallow uusan shaaca ka qaadin waqtiga.

"Ma dooneyno in uu Hargeysa yimaado Farmaajo oo madaxweynaha Soomaaliya ah," ayuu si cad daboolka uga qaadey.

Wuxuu intaas ku daray: "Waxaan leenahay [ra'iisul wasaaraha Itoobiya] hanoo keenin, laakiin hadii uu yimaado dilimeyno".

"Laakiin, hadii uu imaanayo waa in uu noqdaa nin Soomaaliyeed oo la socda Abiy Axmed," ayuu kusoo koobay hadalkiisa.

Dhawaqa gudoomiyaha ayaa kusoo aadaya iyadoo uu jiro guux xoogan oo ku saabsan in madaxweyne Farmaajo iyo Ra'iisul wasaare Abiy Axmed ay todobaadka soo aadan tegayaan Hargeysa.

Wararkaas oo ay buunbuuninayaan taageereyaasha Nabad iyo Nolol ayaa yimid kadib markii ay Addis Ababa kuwada kulmeen Farmaajo iyo Muuse Biixi Cabdi, hogaamiyaha maamulka Somaliland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM