Booliska Somaliland oo xiray mas'uuliyiin ka tirsan xisbiga Waddani

Image

HARGEYSA, Somaliland – Booliska Somaliland ayaa lagu waramayaa in ay xireen Barkhad Jaamac Baatuun, oo ah afhayeenka xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI.

Xarigga ayaa kusoo aadaya saacado kadib markii uu Barkhad ku dhawaaqay banaanbax balaaran oo xisbigiisu dhigayo Isniinta soo aadan, 18-ka November.

Sidoo kale, ciidamadda ayaa xarunta xisbiga ee Hargeysa kala baxay Khadar Cabdi, xoghayihii xisbiga. Labada mas'uul ayaa la sheegay in la dhigay xisbiga.

Taliska Booliska ayaa u sheegay mareegga Garowe Online xafiiska Hargeysa in isu soo baxa la iclaamiyey uu yahay "sharci darro" isla markaana aanan la ogoleyn.

Cabdiraxmaan Cirro, gudoomiyaha WADDANI oo isla Axada maanta ah hadlay, ayaa ku eedeeyay xukuumadda Muuse Biixi "ku tamashada shuruucda doorashooyinka".

Xisbiyada Somaliland ayaa waxaa ka dhaxeeya khilaaf dhanka doorashadda ah gaar ahaan Goleyaasha degaanka iyo baarlamaanka oo muddo shan jeer ah la baajiyey.

Ismaandhaafka ugu badan ayaa ka taagan Guddiga maamulaya coddeynta oo mucaaradku dalbanayo in gebigooda la bedelo, taasoo xisbul xaakimka KULMIYE qoonsaday.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo Guddiga soo magacaabay ayaa lagu haystaa laba xubnood kuwaas oo la sheegay in ay ku jiraan xubnihii kolkii hore la duray.

Mucaaradka ayaa ku doodaya in xubnihii hore ay u jaran-jeereen dhanka xukuumadda. Hase ahaatee, waxaa eedeyntaas waxbo kama jiraan kasoo qaadey maamulka.

Somaliland oo sheegata in ay ka madax banaan tahay Soomaaliya inteeda kale tan iyo 1991-dii balse aanu dunida aqoonsaneyn ayaa waxaa ka jirta caburin iyo xarig.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM