​Akhriso: Liiska xubnaha lagu doortay Muqdishu [SAWIRRO]

Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Doorashada Aqalka Hoose ee Somaliland, ayaa Maanta dib uga bilaabatay Magaalada Muqdishu waxaana lagu doortay 4 xubno oo cusub oo gobolada Waqooyi kasoo galaya Baarlamaanka Somalia.

Ergada ayaa waxay doorteen 4 Xildhibaan, oo labo kamid ah yihiin Haween, kuwaasi oo kala ah;

Sahra Yusuf Cige (Xildhibaan hore) oo heshay 38 cod,

Fadumo Odawa Rage oo heshay 47 cod,

Cabdiraxmaan Iidaan Yonis oo helay 36 cod,

Cabdullaahi Xaaji Cali (Xildhibaan hore) oo helay 31 cod.

Doorashada xubnaha aqalka hoose ee ka socotay Muqidishu, ayaa lagu doortay 29 Xildhibaan, oo kamid ah 46 Kursi oo loo qoondeeyay Beelaha Gobollada Waqooyi, kuwaasi oo ay ku jiraan 11 qof oo dumar ah.

Beelaha Somaliland ayaa wali dooran xubnaha laga siiyay Aqalka sare, oo 3 kursi loogu daray, kadib markii Hogaamiyaasha Madasha Qaran ay isku raaceen in Tirada Guud ee Aqalka sare laga dhigi 72 kursi.

Beesha caalamka ayaa waxay ka dayrisay hannaanka ay ku socoto Doorashada Somalia, oo ay sheegeen in kuraas badan lagu doortay si musuq-maasuq ah, waxaana ay ku baaqeen in lagu laabto 24 xubnood.

GAROWEONLINE

Related Articles

Somaliland oo si rasmi ah u hakisay wadahadalladii Federaalka Soomaaliya

Somaliland ayaa sheegtay in ay si taxadar leh uga fiirsan doonto xiriirka iyo wadahadallada mustaqbalka DFS, iyadoo xaaladda sii xumaanaysa.

  • Somaliland

    16-04-2025

  • 04:54PM

Soomaaliland oo Gaadiid iyo Hub ka Iibsatay Maleeshiyo Ku sugan Gobolka Sanaag

Tallaabooyinkan ayaa lagu sheegay inay muhiim u yihiin sidii loogu xasili lahaa gobolka Sanaag iyo guud ahaan Soomaaliland.

  • Somaliland

    06-03-2025

  • 09:14AM