Askari ka tirsan booliska Somaliland oo toogasho lagu dilay

Image

HARGEYSA, Somaliland – Dabley ku hubeysan bastoolado ayaa la sheegay in Talaadada maanta ah duleedka magaalada Boorama ku dileen askari ka tirsanaa bileyska Somaliland.

Gacan ku dhiigleyaasha ka dambeeyay falkaas ayaa ka cararay meesha ay wax ka dhaceen, sidda ay sheegeen goobjoogeyaal kala duwan oo u waramay warbaahinta gudaha.

Ma cadda sababta loo beegsaday askariga oo la tilmaamay in uu u geeriyooday dhaawac soo gaarey.

Illaa iyo haatan ma jirto koox sheegatay mas'uuliyadda falkaas. Warar ayaa sheegaya in uu salka ku hayo aano qabiil.

Hay'addaha nabad-gelyadda oo tegay meesha ay wax ka dhaceen ayaa sheegay in ay ku raadjoogan kooxaha hubeysan.

Mas'uuliyiin ayaa rajo fiican ka muujiyey in lasoo qabto dableyda oo la tilmaamay in ay ahaayeen shaqsiyaad dhalinyarro ah.

Somaliland, oo ah maamul sheegta in uu ka madax banaan yahay waddanka Soomaaliya intiisa kale, ayaa nan aqoonsi caalami ah ka helin beesha caalamka tan iyo sanadkii 1991-dii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM