Banaan-bax ka dhacay Hargeysa xili Somaliland wajahayso caqabado
HARGEYSA, Soomaaliya - Magaaladda Hargaysa ee caasimadda Maamulka Somaliland ayaa waxaa maanta oo sabti ah ka dhacay bannaan-bax lagu taageerayo dooddii Baarlamaanka UK ay ka yeesheen aqoonsiga Somaliland iyada oo wasaaradda arimaha dibada dalkaasi ay shaacisay in ay ixtiraamayaan madaxbanaanida Soomaaliya.
Banaan-baxaan oo lagu qabtay Beerta Xorriyada ee magaalada Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb galay dadweyne aad badan. Waxaa sidoo kale qayb ka ahaa madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland iyo siyaasiin kale.
Sidoo kale waxaa banaan-baxa waxaa kasoo muuqday xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada iyo Duqa Hargeysa, iyaga oo gacmaha ku sitay Calanka Somaliland, waxayan soo dhoweeyey dooda xildhibaanada UK ka yeesheen aqoonsiga Somaliland.
Baalamaanka dalka Ingriiska ayaa isbuucii hore dood dheer ka yeeshay arrinta aqoonsiga Somaliland.
Doodda oo ahayd mid dhinacyo badan ay xildhibaanada iska taageen qadiyada Somaaliland iyo sida ay dowladda UK ka yeelayso ayaa socotay muddo ka badan hal saac.
Baalamaanka dalka Ingriiska ayaa toddobaadkan gudhiisa dood dheer ka yeeshay arrinta aqoonsiga Somaliland waxaana doodu ahayd mid dhinacyo badan ay xildhibaannada iska taageen qaddiyadda Soomaaliland iyo sida ay dowladda UK ka yeelayso ayaa socotay muddo ka badan hal saac.
Somaliland ayaa tan iyo wixii ka dambeeyey 1991-kii raadineyso inay hesho madax banaani, si ay uga go’ado Soomaaliya, balse uma suura-gelin, waxaana dhowr mar dhacay wadahadallo u dhexeeyey labada dhinac oo aan weli laga gaarin natiijo wanaagsan.
GAROWE ONLINE