Beesha Burco oo ka jawaabtay Baaqii Isimada SSC

Image
Breaking News

Burco-Shirweynaha Beesha Habar Jeclo ee degta bariga gobalka Togdheer ee Somaliland ayaa kusoo gebo-gaboobay magaalada Burco.

War-Murtiyeed laga akhriyay dhamaadka Shirka isla markaana nuqul kamid ah lala wadaagay Warbaahinta ayaa lagu sheegay in Beeshaasi aanay duulaan ku ahayn SSC-Khaatumo isla markaana ay difaacan doonaan deegaanadooda.

Go'aamada shirka ayaa sidoo kale kujira qodob sheegaya in Beeshaasi Aqoon-san tahay Qarannimada Somaliland iyo Xuduudaheeda taasi oo lagu tilmaamay halka uu ka dhutinayo baaqoodu.

Horey Isimada SSC-Khaatumo ayaa dhawrkii bilood ee lasoo dhaafay dhawr mar Baaqyo Nabadeed u jeedisay Beeshaasi balse wax jawaab ah dhankooda lagama hayn tan iyo inta colaaduhu aanay ku fidin reer miyi'ga.

Dagaaladii ka dhacay Buq-Dharkayn ayaa laga digayaa in ay ku faafaan dhulka Miyi'ga kuwaasi oo Dabo-dheeraan kara hadii aan xal waara laga gaarin.

Hogaamiyaha Somaliland, Muuse Biixi iyo Gudoomiyaha Guurtida, Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa horey siyaasiyiinta Somaliland iyo Dhaqankuba ugu eedeeyeen in uu hurinayo colaad u gudubta reer guuraaga.

 

GaroweOnline.

Related Articles

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM