Caalamka oo qaadacay muddo kororsiga baarlamaanka Somaliland

Image

HARGEYSA, Somaliland – Saaxiibadda Beesha Caalamka oo Talaadada maanta ah qoraal wadajir ah soo saarey ayaa si cad waxay uga hor-yimaadeen muddo kororsiga baarlamaanka Somaliland.

War-murtiyeedka kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in arrintaan ay wiiqeyso dimoqraadiyadda maamulka gooni u goosadka ah.

Daneeyeyaasha ayaa waxay ku baaqeen in la dhaqan-geliyo heshiiskii ay xisbiyadda kala saxiixdeen bishii July ee sanadkan 2019-ka.

Heshiiskaas ayaa wuxuu dhigayaa in ay qabsoonto doorashadda goleyaasha degaanka iyo baarlamaanka oo muddo lix jeer dib loo dhigay.

Dhincyadda siyaasadda Somaliland ayay ku booriyeen in is-afgarad loo dhan yahay ay ka gaaraan doorashadda, iyaga oo ka digay dib u dhac kale.

Geesta kale, bayaanka ayaa waxaa walaac looga muujiyey xariga siyaasiyiinta mucaaradka iyo xayiraadda la saarayo xorriyadda hadalka.

Guddiga is-xilqaamay ee isugu jira siyaasiyiinta iyo ganacstadda si loo qaboojiyo xiisadda ayaa war-saxaafadeedka lagu bogaadiyey.

"Kaliya hay'addo adag oo si dimoqoraadi ah loo doortay ayaa dadka Somaliland siin kara horumarka ay u baahan yihiin," ayey sheegeen.

Waxay ku dareen: "Tani waa waxa Beesha Caalamka ay ka fileyso in ay ka timaado wada shaqeynta ay la leedaay Somaliland".

War-saxaafadeedka ayaa waxaa ku saxiixnaa dhinacyadda kala ah;

Qaramadda Midoobay, IGAD, Midowga Yurub, Mareykanka, Jarmalka, Ingiriiska, Norway Ireland, Belgium, Sweden, Denmark, The Netherlands, Finland, France, Talyaaniga, Greece iyo Switzerland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo Dalbatay in Soomaaliya Dib Loogu Soo Celiyo Cunaqabateynta Hubka

Somaliland, oo 1991-kii ku dhawaaqday inay kaga go’day Soomaaliya inteeda kale balse aan weli helin aqoonsi caalami ah.

  • Somaliland

    03-08-2025

  • 03:52PM

Somaliland oo sharci darro ku tilmaantay maamulka cusub ee Waqooyi Bari

Wasiirka Warfaafinta, Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle, oo warbaahinta la hadlay kadib kulanka, ayaa sheegay in Somaliland...

  • Somaliland

    02-08-2025

  • 01:45PM