Beesha Caalamka oo ka hadashay heshiiska xisbiyadda Somailand

Image

HARGEYSA, Somaliland – Saaxiibada Caalamka ee Somaliland ka taageera geedi u socodka dimuqraadiyeynta ayaa soo dhaweeyay heshiiskii ay 12-kii bishaan July ka gaareen xisbiyadda qabsoomida doorashadda.

Doorashooyinka oo dib u dhac uu ku yimid sanadihii lasoo dhaafay ayaa kala ah goleyaasha degaanka iyo tan baarlamaanka; heshiiska wuxuu xeerinayaa in coddeynta ay qabsoonto isla gudaha sanadkan.

Sidoo kale, heshiiska waxaa ku xusan in guddiga doorashooyinka uu muddo 14-maalmood ah oo ka bilaabaneysa 12-ka July uu muddeeyo doorashooyinka isla markaana uu soo saaro jadwal howleed farsamo.

Beesha Caalamka ayaa adkeysay in la xaqiijiyo ka qeygalka shacabka gaar ahaan dhalinyaradda rag iyo dumar "maadaama ay muhiim u tahay sumcadda dimuqraadiyadda iyo xasiloonidda Somaliland".

"Daneeyeyaasha caalamiga ah ayaa ugu baaqaya saamileyda in ay xaqiijiyaan in haweenka, dhalinyaradda iyo kooxaha laga tirada badan yahay ay qayb ka noqdaan cod-bixiyeyaasha iyo murashaxiinta; waxaana madaxweynaha, xisbiyadda siyaasadda, baarlamaanka, guddiga doorashooyinka iyo Maxkamada Sarre ku boorineynaa in go'aanada lagu darro qoondada haweenka iyo dadka laga tirada badan yahay ay qayb ka noqdaan," ayay tibaaxeen.

War-saxaafadeedka ayaa lagu caddeeyay in Beesha Caalamka ay bogaadineyso in mas'uuliyiinta Hargeysa ay ka go'an tahay qabashada doorashooyinka, kana caawin doonan xaqiijinta qoondada dumarka.

Doorashooyinka goleyaasha degaanka iyo baarlamaanka ayaanan qabsoomin lixdii sano ee lasoo dhaafay, waxaana khilaafka badi uu ka taagnaa guddiga maamulaya coddeynta oo xisbiyadda qaar ay dureen.

Baarlamaanka haatan shaqeeya ayaa xafiiska yimid 2005, waxaana tan iyo xilligaas aan lagu sameyn wax isbedel, talaabadaas oo carro dhalisay.

Deeq-bixiyeyaasha gaar ahaan Midowga Yurub iyo Britain ayaa ku lug lahaa wadahadalada xalka loogu raadinayey xiisadda doorashooyinka Somaliland, kuwaas oo natiijooyin kasoo baxay qaarkood aanan la fulin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo si rasmi ah u hakisay wadahadalladii Federaalka Soomaaliya

Somaliland ayaa sheegtay in ay si taxadar leh uga fiirsan doonto xiriirka iyo wadahadallada mustaqbalka DFS, iyadoo xaaladda sii xumaanaysa.

  • Somaliland

    16-04-2025

  • 04:54PM

Soomaaliland oo Gaadiid iyo Hub ka Iibsatay Maleeshiyo Ku sugan Gobolka Sanaag

Tallaabooyinkan ayaa lagu sheegay inay muhiim u yihiin sidii loogu xasili lahaa gobolka Sanaag iyo guud ahaan Soomaaliland.

  • Somaliland

    06-03-2025

  • 09:14AM