Biixi iyo safiirka Midowga Yurub oo ka shiray wada hadaladda DF

Image
Image
Image
Image
Image

HARGEYSA, Somaliland – Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa madaxtooyadda Hargeysa wuxuu maanta oo Khamiis ah ku qaabilay wafdi uu horkacayo safiirka Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha Soomaaliya.

Biixi iyo Nicolás Berlanga Martínez ayaa kulankooda waxaa diirada lagu saarey arrimo ay kamid yihiin; wada xaajoodyadda dowlada federaalka iyo maamulkaasi si lamid ah xaalada guUd ee gobolka.

Sidda lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Muuse, madaxweynuhu wuxuu u cadeeyay danjiraha mowqifka xukuumadiisa ee wada hadaladda oo hakad ku jira tan iyo sanadkii 2014-kii.

Bayaanka ma uusan fahfaahin waxa uu yahay mowqifka, balse waxa uu horey uga dhawaajiyey Biixi in maamulkiisa diyaar u yahay wada hadal uu la galo xukuumadda fadhigeedu yahay Muqdisho.

Kulankan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadda Arbacadii uu madaxweyne Farmaajo uu magacaabay guddi heer qaran ah kana kooban lix xubnood oo ka shaqeynaya wada hadalada Somaliland.

Somaliland ayaa waxay sheegataa madax banaani tan iyo sanadkii 1991-dii, balse caalamka intiisa kale wuxuu u arkaa maamul goboleed hoostaga dowladda federaalka ah.

Geesta kale, mas'uuliyiinta ayaa waxay isla soo qaadeen doorashooyinka maamulka gooni isu taaga ah si gaar ah tan baarlamaanka iyo waliba goleyaasha degaanka.

Cod-bixinta oo shan jeer dib u dhac uu ku yimid ayaa lagu muransan yahay xiliga ay qabsoomeyso iyadda oo xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI uu qaadacay waqti la muddeeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM